Waxaa iyeeray habeenkii xaajigii xafadda iyo gabadhii sida wanagsan ii soo dhawaysay een ka helay garabka, waxaana wada fariisanay kuraasta fadhiga ee marti qaadku ka dhacay shalay duhurkii wuxuuna ii sheegay hadalkana ku bilabay sidan. “Walaashay Xaawo-luul waxaad tahay qof wanaagsan wax kastood soo martayna waxay kuu noqdeen cashir iyo waayo aragnimo aad u wayn waxayna taasi ku tusinaysa nolasha adduunku inay hadba galin tahay waxaadna maanta tahay qof waayo arag ah sidaas oo ay tahayna waxaa manta arkaysay nin aanu saaxiib nahay oo nala qadeeyey marti qaadkaad samaysayna waad ku mahadsan tihiin adiga iyo xaaskaygaba, waxaanse hadalka ugu soo dagaya nuxurkiisa inaan doonayo inaan ku waydiiyo xaladahaga gaarka kuu ah ee ah inaad qof la socoto iyo inaad damacsan tahay waayadan inaad reer noqoto inkastoo gabadh kastaba ay ku hamido mustaqbalkeeda inay gasho meel wanaagsan balse maanta aniga qof wanaagsan ayaan kula rabaa asaguna ku gaclooday ee bal afkaaga wax iiga sheeg siday xaaladahaagu yihiin.”
Walalkayow aad ayaad u mahadsan tahay waxaan run’ahaantii kugu tilmamo ma garanayo adiga iyo walashayba waad i garab istaagteen, waxaadna ii noqoteen hooyo iyo aabbe waxaana aad u jeclahay inaad hadana ila rabtaan meel wanaagsan ood ii aragteen balse hadaan hadalkagii ka siiyo jawaabo, aniga Xaawo-luul ahaan waxaan maanta jeclahay oon doonayo inaan is guursano malahan, waana run aniga waan soo arkay casharka adduunka in aan oran karo way igu filan tahay oo Alle uun u xisaabsantahay. Maalmo xanuun badan waan soo arkay, wax kastoon soo marayba waxaan maanta taaganahay meel wanaagsan oo daqaradii i soo gaaray waan iska dhayi rabaa inkastoo casharka aan soo qaatay yahay mid maanka iyo qalbiga igaga sawiran, hadana waxaan ahay naf wax inay dhasho oo reer noqoto aad ugu hanwayn, mida kale waxaa an taas ugu dhici la’ahayna, waxaan noqday qof raga oodhan ka baqaysa inay igu xumaadaan, aniga xaaladahaygu waa sidaas, balse aniga maanta waxaad ii keento walalkayow ma diidayo oo waan kaa aqbalaya, balse, walaalkayow runta hadaanka hadlo “Saas baan ka qabaa ragga”, waxaan jeclaysto kuma arkin raga aan gursaday waxaana taas iga keenaayo ma ahan wax kale reerkanagii waxa iga soo cararsiiyey waa rag oo maanta i keenay qurbahan qof aan garan oo aan idinka ahayn aanan ku haysan, marka walaal xaalkaygu waxa uu ku jiraa farahaaga.
Waxaa uu markii ii sheegay waxii dhex maray asaga iyo ninkii, wuxuuna yidhi; “Ninkaas intaan ka aqaano ma ahaan nin xun waa nin aad u wanaagsan oo u aqli badan hanti Alle waa siiyey wuxuusan haysan waa xaas uun wuxuuna doonayaa inuu adiga ku guursado ood xaaskiisa noqoto, run’ahantii anigana waan kula jeclaaday ee walaashay hadaad aniga faraha iga galisay nolashaada, waxaan anna kuu ballan qaadayaa inaan nolashada farxad galiyo, oon sidaad jeceshahay aad ku haminayso hesho, xataa hadduu kugu xumaado aan adiga xagaaga marna uga hadhin, aniga iyo asagana aan sidaas isku dayno onan is xiriirin. Waxuuna markiiba war galiyey ninkii ganacsadaha ahaa oo aad uga war sugayey in uu uga soo warramo xaladayda wuxuuna la wadaagay in uu doonayo in hawsha la gudo galo mar hadiii aan aniga ahay diyaar. Xaajigii wuxuu toos ula hadlay reerkaanagii wuxuu uga sheekeeyey wax kasta oo isaga iyo aniga na dhax maray wuxuu kaloo uga sheekeeyey ninka uu ila jecelyahay nolashiisa ugu dan bayntiina, wuxuu ila hadalsiyey abahay iyo reerkaanagii oo raba inay ogolanshahayga ogaadaan waana u sheegay inaan raali ka ahay guurkaan waxayna reerkayga u dhiibteen (Waliyadayda) ama inuu i meherin karo xaajiga walaalkay ah waana wada gaareen go’aan dhamaan reerkaanagii.
Wuxuu ninkii ganacsadaha ahaa reerkaanagii u diray lacag dhan 10,000$ doolar oo ah inay halka aroos ka qabtaan arooskaanaga ugu duceeyaan ehel iyo qaranada wax ka siiyaan lacagta inta ka soo hartana ay ayaka qoys ahaan qataan. Waxaay reerkanagii sameeyeen sidii wuxuuna aroos wayn Allawayne iigu qabtay magalada Nairobi wuxuu maherkayga ka dhacay hotelka ugu qaalisanaa Xafadda Islii wuxuu arooskayga habeenkii ka dhacay isla Hoteelkaas waxaan aniga laygeeyey Saaloon, waxaa laysaray cilaaan waxaa lay galbiyey sidii Boqoradii, waxan cagta soo saaray hoteelkii oo laga buuxo ninkaygii Ganacsadaha ahaa ayaa gacanta i haysta waxaa dhacay mashxarad iyo sawaxan farxadeed waxaana na loo daaray heeso aad u macaan oo u dagan aniga ahaan aroosku wuxuu ii yahay mid aad iyo aad iga farxiyey waxaan noqday qof maanta dhashay waxaan dareemay kalsoni farxad iyo daganan waxaa kolba na loo daraa hees iyo buraanbur aad ayaan u ciyarnay aniga iyo ninkayga Ganacsadaha ah waxaan si dhib yar u i laway dhaqso wixii i soo maray, anigoo ninkan ganacsadaha ah anan nolal la wadaagin. Waxaan habeenkii oo dhan ku jirnay farxadi iyo dhamashaadkii arooska waxaa markii danbe naloo galbiyey guri lay diyaarshay intii gaari nala saaray, aniga iyo ninkaygii cusbaa ee ganacsadaha ahaa waana ninkaygii saddexaad oon nolal la wadaagayo muddo aan dhanayn 10 sano.
Waxaan gaarnay gurigii lay diyaarshay oo ka baxsanaa xafadda islii kuna yaalay Xafadaha Nairobi, waxaana xafadda la oran jiray Helogam, waxaan galnay guri ay dad nagu sugayaan mashxarad ayaa labadanadii nalagu boobay aminkii habeen kala badhka ahaa waxaan garan waayey dadkan aan arooskii joogin ee guriga nagu sii sugayey farxad kale ayaan sii qaaday waxaa nalagu daadshay ubaxyaan iyo waxaan markas garanaynin oo ubaxa oo kale ah waxaa naloo daray heeso aad uga turjumaayo arooskaanaga, waxaan ku socdaa roog guduudan oo kii loo dhigaayey madaxwaynayaasha ah, waxaan aad niyada uga duceeyey in arooskaygan noqon mid xun ninkana Alle ii barakeeyo. Waxaan galnay guri aan ad ula fajacay onan waligay ku fikirin in laygu galbin iskadaye inan ka soo toosi doono, waxaana aad ii cajabiyey fadhiyada sida loo sharaxay iyo waxa qalab yaalla guriga aad ayaan u sii farxay waxaan sii galnay gurigii jiiifka oo asaguna ah qol boqorad loogu talagalay waan sii farxay sariirta iyo qolku siday u wada ifayaan ayaa i sii cajabiyey nolashayduna tan ma u danbaysay Alla farxad waynaa. Guriga laygu galbiyey wuxuu ka koobna laba fadhi iyo shan qol mid kasta waxa yaalla gogoshisii iyo tiifigiisii waxaa kaloo yaalla firiij ka buuxo cabitaano wuxuu ninkaygii ii sheegay inaan aniga leeyahay gurigaan magacayguna ku qoran yahay markaan arooska ka ogolaaday asagana uu iibsaday kadisna uu doonayey inuu igu siiyo guriga hantida ah aad ayaan u farxay waxana ugu mahad celshay si kal iyo laab ah.
Nolashayda waxay noqotay mid aad u dhax dabalanayso farxad aad u balaadhan ninkayga waxaan ka helay nolal farxad miidhan ah, wuxuu i siyey kalsooni badan malkisa ayuu igu wada aminay wuxuu i gala tashadaa wadda kastoo uu damacsanyahay meel kastoo uu u safrayo waxan noqday qof wehelisa, maalin kaliya kalama kulmin hadal xun, wuxuuna reerkaygii u bilabay biil aniga wuxuu i dhaha u dir biil asaguna wuxuu u diraa biil mana ii sheegin inuu sidaas sameeyey, balse hooyaday ayaa wax kastaa ii sheegtay oon la hadlay, balse waxaa aad uga xumahay inaan ninkaan sidaas ii wanaajiyey nolasha intaas le’egna i siyey inaan ilaa hadda u yeelan wax ubad ah, waxaan wada noolnahay mudddo 7 sano ah, waxaan aad uga murgaa nolashaydana i soo xasuusiya nolasha aan ku jiro ee ilma la’aanta ah, meel uusan dhakhtar iigaynin malahan, balse dhakhtar kastaa wuxuu i dhahaa wax ma qabtid, waxaan aad uga murgaa ilmahan iska soo xaaray, waxaan u arkaa nolasha ilma la’aanta ah een ku jiro inay iigu wacan tahay ilmahaan soo xaaqay, waxaan ooyaa mar kastuu iga maqan yahay ninkayga umana sheegin inan hada ka hor ilma iska soo xaaqay waan ka qariyey taas inkastoysan ahayn inan ka qariyo hadana waxaan ka baqayey inuu iga xanaaqo ama iga aamin baxo waxaan ku jiraa nolal wada hanti ah, balse ma haysto wax ubad ah nolashayda hantida aan haysto waxaan ku badalan lahaa hal ilma ah oon u dhalo ninkayga, balse mar kasta waxa uu i dhahaa walashay Xawo-luul wax kasta waan helaynaa haduu Alle inoo qoro ilmana waan helayna ee aan samirka badino xataa ninkayga waa iga diiday inuu nag ila guursado waxan ku jiraa nolashaa.
DHAMMAAD
Halkaas ayaan ku soo gabagabaynayaa sheekadeenii inoo socotay muddada ee taxanaha inoo ahayd. waxaay sheekadan xaqiiqdii samayn badan ku yeelanaysaa dhammaan dhalinyarada, hooyooyinka, ragga waawayn ee guursanayo, gabdhaha yaryar, wiilasha dhallinyarada ah ee markay gabdho guursadaan nolal adagna kula noolaato isbadalka iyo dilka ugu daraayo.
Hadaba sheekadan ciddii wax su’aal ah ka haysa waan soo dhawaynaya aqristayaasha ku taxan.
Mahadnaq Balaadhan Alle ka sokow.
Waxaan u mahad naqaynaa dhamaan sheekadan aqyaartii sida tooska ah ula socotay, ee ka hadlaysay, su’aalahana naga soo waydiinaysay sida hufana ula socday sheekadan, siiyeyna wakhtigooda qaaliga ah inay aqristaan Alle haydin wada xafido dhamantiin wiilal iyo gabdhaba melkastood dunida ka joogtaan, waxana inoo sii socon doona hadduu Alle idmo sheekooyin kale oo waaya aragnimo badan.
By Zubeer Haybe.