Murtida Arbacada

 

Gabaygan oo sida midhahiisa ku cad xambaarsan murti culus, wuxuu kamid ahaa gabayadii lagu qaadan jiray tacliinta dugsiyada xilligii qaranka Soomaaliya dhisnaa.

• Bowdada markii aan ka jabay iyo,  boqonka taagiisa
• Habeenkiiba way bidhan lahaa, bahalki cawlaaye
• Ragii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

• Bah Cilaamo goortay dhamaan, igu dul booyeysay
• Ba Sadhaysan baga inay i tidhi, beerka ka ogsooni

• Ragii Burunji inuu igu cuno, ii bariidinayay
• Ee aan barkale ii tarayn, beerka ka ogsooni

• Ninkii balad shisheeye iga jiray, soona bixi waayay
• Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

• Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
• Oo biixiyaha Eebahay, kay isugu beego
• Abaal badha, abaal budha, abaal bur iyo dheeraad ah
• Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni

Xigasho/doollo.com