Q-3 Riwaayadii Murtida iyo maadda

 

Kildhi Jabiso: Eeyaahe waa odayga, Safar-Maal la leeyahaye, anagu waxaad maashid mooyaane, wax ku maalaba weli maanu maqale. Ma markuu ceelkiina gudhay booyaddiina jabtay ayaad noo soo cimaamad weyn tahay. Dee anagu duq bay magaaladu leedahay baan horaba u eednaye. Haddaad noo soo daawasha tagtay bal aad indhaha ugala dhereg silica meesha ka muuqda, hadday damqasho kaa hayso.

Safar Maal: Adeer, horta muxuu ahaa magacaagii.

Kildhi Jabiso: Oo ma Ilaahay baa i qariyey? Dee Kildhi-Jebis baan ahay.

Safar Maal: (Qosol gaaban) Haddaba Kildhi dambe haynaga jebinin, inagama go’ee. Arrintanna adigu haween baad tahayoo kolley cadaadis cidi kuguma saaraysee, rag baa ka talin doone e. Marka hore, illeen biyo ma ihiye qof baan ahaye, ha yeeshe e, ummad isku niyad ah buu Ilaahay waraabiyaaye, aynu ducaysanno. Kolba waxay talo ka maarsan waydana waanu yeeli doonaaye, bal dulqaad ha laysu yeesho.

Kildhi Jabis: Alla bisinka, odaygu sowka majarafad hadal ah iigu seexiyey. Maxaa ii geystay?

Safar Maal: Waaryaa Sow-Sowle.

Saw Sawle: Hee, Adeer.

Safar Maal: Illeen labadeena guri waa deris ahe, ragga gaashaanqaadka ahe tuulada loo tirinayana, ka mid baad tahaye, intay xaajo sidaa isugu dhabqaysey, adaa iga soc-socod badane, maxaad mar hore ii soo war gelin weydey?

Saw Sawle: Oo dee Adeer, maxaan ku soo war geliyaa een ku soo wargeliyaa? Sow anigoo kugu soo socda sow kii xumaa ee Kaba- Tuur iyo ku xun oo la socoday, sow dariiqaa xun ee xaafadaheena ka dambeeya sow imay joojin oo sow hadallo xun-xun oo aan garan waayey igumay bilaabinoo, sow dabadeedna si xun u maanan xanaaqinoo, sow dabadeedna dadkii xumaa ee meesha joogay sow dukaankii xumaa ee Ina-Nac-Nac-Ruug xaggiisii imay jiidinoo, sow intaan dukaanka hadhiisii xumaa jaadkeygii xumaa la yara fadhiistay, sow dabadeedna….

Safar Maal: Bess Bess, Adeer. Waxaan ku weydiiyey: Miyaan wax fayoobiba jirin, wax xun mooyaane, wax sanba miyaanad la kulmin?

Saw Sawle: Dee Adeer, maxaad igula yaabi? Sow ceelkaa xunee dadkaa xun xunee harraadka xumi hayo dul tuban yihiin. Sow dhibtoodu qofkastoo xun afka xun isuma kaaye gelinayso. Dabadeedna sow….

Safar Maal: Wariya Kaba-Tuur, nabad ma sheegtay?

Kaba Tuur: Adeer, waa layska wanaagsan yahay. Hawshan biyo la’aantu keentay mooyaane.

Safar Maal: Waa sidaase, odayaasha beesha ciday war la’aani dhibta ceelka ka haysaa miyey jirta?

Kaba Tuur: Horta, intoodi badnayd wayba ii muuq-muuqdaan, hase ahaatee rag ay ka mid ahaayeen Af-Qabaal iyo Ina-Atoor-Dhaansade iyo Ban-Wareershe, saddexdaa nin weli indhahaygu may qaban.

Safar Maal: Haddaba waxaa la yidhi: Hangaraarac lug ka go’day uma dhutiye e. Kol hadduu raggu dhow-dow yahay, waynu iska bilaabanayna arrimaheena. Tu guul dhalisaa, Ilaahay ha ka dhigee.

Xoolo Baas Wade: Bal aan erey yar idinku daree. Horta weligiinba afar oday oo dhulka sumado waaweyn ku jeex-jeexaya waad isugu yeedhi jirteen. Welise maan arag waxay tuuladu intay haakah ku tidhaahdo, idinkana idinku ducayso. Midkalena aan raacsade e: Maxaydun maanta shiriyooydun shiri? Geedkiiba haween gadoodsan oo aad u xanaaqsan oo aan carruurtoodii dheri dab loo saarin baa ciil la hoganayee.