Waxaan aad uga sii naxay, oo dilka iiga darnaa, waxaan arkay miiska waraaq taala, waan eegay mise waa furitaankaygii!!!, anigii xanunkii i hayey mid ka sii wayn ayaa igu sii dhacay, waxaan iska dhaqay dhigii, anigoo aad u danqanayo. Waxaan iska uruursaday dharkaygii, waxaana kaalmo ka soo doontay gurigii gabadha ee layga guursaday sanad iyo bilooyin ka hor, waxaana soo garaacay gurigii, waxaa iga furtay gabadhii oo aad uga naxday markii ay aragtay dilkayga horaa loodhahay (Naag lafuray fadhi umayaalo.)
Halkaas bay maraysay.
Waxan soo galay guriga, waxay oyso oo baroorato anigii igu dul oysaba, waxaay i gaysay dhakhtar, waxayna iga soo dawaysay dhaman nabaradii, waxay igula talisay inan dacweeyo oon xiro. Balse waan iska daayey oo waan cafiyey haduuba i furay uu i siiyey waraaqdaydii xataa maherkii dar Ilahay ayaan iskaga cafiyey, walashay waad ku mahadsan tahay dawayntaad I daawaaysay, dhakhtarkii ayaa igu dhahay waa inaad ilkaha xidhaa ileen feerkii igu dhacayey ayaa ilkaha igaga dhacay, marka ilkuhu way i wada dhaqaaqayaan ka dib ayaan waxaan iibgeeyey dahabkaygii waagii iigaday odaygii aanka soo tagay ee dhintay aAle ha u naxariistee waxaan ku helay lacag fiican waxaana ku xidhay ilkihii birihii. Waxaan iska joogay muddo badan gabadhii fiicnayd gurigooda. Waxaan sidaas ahaadaba oon iskala noolado gabadhan iskalana hadlo reerkaanagii oon u sheegay wax kastoo igu dhacay ayakuna ay I dhahaan noo kaalay ku dhalne agtanada inow oon diido waxan mar kasta u arka inay mar kale rerkaanaga igu darayaan nin kalo maba ku niyad sami reerkanaga iyo goobtan ka soo baxsadoo cidkastaba ay iwada taqaano.
Waxaan iska bilaabay inaan meel yar oo suuqa ah aan ku karsado shaah oon shaaha maalintaas oo dhan suuqa wada geeyo, oo dadka iga iibsadan. Run ahaantii dadku waxay u arkaan markaad sidan oo kale dantu kuu fadhiisiso meel sidan oo kale ah, inaad tahay qof xun oo layska isticmaali karo. Ninkastaa wuxuu kaa soo garacayaa (wici) lanbarkuu kaa qortay, raga qaar waxay u socdaan mustaqbal, ragna waxay rabaan inay iskala kaa baashaalaan oo dan kamalahaan waxaad agtooda ka tahay gabadhii shaahlayda ahayd, oo wayba ku yasayaan, oo ku cayayan hadaad waxay doonayaan ka diido. Aniga waxaas oo hadal iimacada inaan shaqaysto oon ragba iska ilaasha iiga ah go’aan. Waxaan sidaas ku jiro muddo dhan sanad waxan gatay dahab kale oo dhowr sad ah waxan ka gatayna waxay tahay waa shahaas aan wareejinaayo oo qudh ah. Waxaan markasta wax uga diraa reerkanaga oon ka bilaa aniga naftayda waxay rabto waanka qabsada, walashay gabadha ii noqotayna waxaan u gaday dahab oon uga dhigay hadiyad, garab istagaan ka helay iyo siday ii wanaajisay eenan ilaawi karin nolasha wax ka wanagsan malahaan dadkaad isbarataan ee dacad isku noqotaan.
Waxaan galay nolal aad u wanagsan, waxaan noqday qof ku filan nolashiisa cid aan baryeynin waxaan mar kasta baryaa inan nolashayda dhib danbe marin, waxan baryaa Allaah markaan tukanayo markaan kaligay ahay iyo mar kasta niyadaan ka baryaa Allah inuu nolashayda farxadeeda dib ii siiyo oon noqdo nolal aad u wanagsan ku damaashadayo. Run ahantii waxaad dareemaysaa markaad dhib marto ood noqoto qof dhib la daris ah, waxaan dahab iyo dhar min qof kasta ah u gaday wiilkii igu soo dhaweyey xeryaha qaxootiga ee Kenya waxaan u sheegay wax kastoo nairobi igu dhacay intan imaday, balse waxay i wada dhaheen dhamantood noo soo laabo, anakaa ku jecel, maxaad nooga fogaysay ilmihii aad uurka ku waday ma dhashay? balse waxaan ku hadlaan garan waayey, markay sidaas i dhaheen. Waxaan dhahay ilmihii waa iga dhintay, illeen ma oran kari ilmihii waan dilee (sooxaray). Waxaay i dhaheen hadda shaqadada Alle ha kuu barakeeyo iska wado markaad u baahato garab waad na soo wacan kartaa. Waxaan noqday qof rajo wayn leh waxaan Allah ka baryey nolashan dhisantay inaysan dhib mar kale la kulmin, balse waxaan wali soo xasuusta dhibabkii igu dhacay ee aan soo maray waana ooyaa, mana ihi qof ilaawi kara nolashiisii hore.
Waxaa imaday gabadhii aan la dagana ninkeedi, wuxuuna ii keenay hadyado farabadan, sida Talefoon, shoobin iyo dhar, wuxuuna asagana iga dhigtay walashiis oo kale, waxaan damcay mar hadu imaday inan guri kiraysto, balse waa iga diiday, oo wuxuu dhahay aniga adiga hadaad ka tagto guriga ma joogayo reerkayga, anoo ka maqan ayaad la nolayd, waxaadna tahay gabadh ka mid ah reerka wax kastoo kugu dhacay waxaa ii soo shegaysay walashaa, oo ah xaaskiisa marka sidii ayaan ula jogay oon nolasha u sii wadaanay. Markuu muddo bil ah joogay ayaa waxuu maalin uu nooshay aniga iyo xaaskiisa inuu marti qaadayo nin ganacsade ah oo ay ilaa yarantoodii ahayen saxiib, maantana uu rabo inuu marti qaado loona baahan yahay inaan martiqaad heer sare ah samayno, aniga iyo xaaskiisa waana ku dhaqaaqnay subixiiba inaan samayno marti qaad heer sare ah. waxaa amin duhur ah noo imaday xaajigii xafada iyo ganacsadihii saxiibkii ahaa waxayna galeen fadhiga oo aan ku diyarinay cuno iyo cabitano qudaar iyo wax kastoo noole lagu martiqado ama martiqaad loogu talagalay aad ayey ula dhaceen ninkii iyo xaajiga xafadda.
Markay cuneen martiqaadkii ayaa waxay u fadhiisteen sheeko iyo inay is xaal waraystaan, wayo waayana ka shekaystaan, waxay shekaystanba waxaan anigoo wada shaah u soo galay labadoodii oo fadhiya markuu i arkay xaajigii xafadda anoo soo wada shaahii ayuu wuxuu idhahay walashay maxaad isku soo dhibtay anigana dhib malahan ayaan dhahay, oo waan u dhigay shaahii intaan is majiirin ayuu idhahay sug aad isbarataan ninkan idinsheegayey xalay waa kan, waa saaxibkay aan isku meel ku soo kornay, saxiib gabadhan waa walashay waxaana la dhahaa Xaawo-Luul ee barasho wanagsan, waana iska baxay sheekadi ka dib, ayuu ninkii dhahay ninyahow ma guursan ilaa waagii waxaana ahay guurdoon waxaana doonayaa gabadh wanaagsan oo wadaad ah Allena siiyey qurux sidii gabadhii walashaa ahayd eed i baraysay. Horta ma laqabaa ayada? markaas ayuu dhahay maya wa garoob, waxayna joogtaa gurigayga Alle dartiis ayaan iskula joogna, balse intuu qof wanagsan yahay ayey wanagsantahay ee maxaad aragtay ood tusaalle ugu soo qaadatay? markaas ayuu dhahay ganacsadihii walaalow saxiibow gabadhan maad guur iiga soo dhamaysid aan guursadee waad ogtahay hanti iyo maal Alle waa i siiyey waxa iga dhiman waa uun xaas wanagsan oo ah ‘kaaba een ahayn Kala rida’ waxuu dhahay waan garan kara inaad tahay qof wanaagsan, balse gabadhan waan isnaqanaa balse inay manta guur u tahay diyaar ma ogi inay nin la socoto ma ogi, marka saxibkayow aan horta wax ogaano oon lasheekaysto gabadha Xaawo Luul ah. Waxaana uu Ganacsadihii dhahay aniga gabadhan waan ka helay adduunka meeshay rabto waanka dajin waxaana u dhigaya aroos wayn oo ay ku faraxdo garoob iskadayo aysan gabadhi ku fikirin in loo dhigo marka gabadhan ii soo ogow xaladaheeda inan la kulmana waa daruuri.
By Zubeer Haybe.