Macallin dhoodaan (AUN)

 

Tudacyo ka mid ah gabaygii dhoodaan Alle ha u raxmee, waxaan ugu talagallay barnaamijkii suugaanta ee arbacada.

• Rag hal taa ah toodii ka dhiga ama takooraaya
• Tilmaantiyo markhaatiga ileen kuguma taageero
• Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin  u jeeda
• Hurduu kugu talaaliye ileen toos ku odhan maayo
• Maska iligta kugu tiifayee kaa turquday dhiigu
• Tashaq micida kaa tidhi ileen kaaga turi maayo
• Nimaan teerigaagiyo jeclayn toori aad xidhato
• Tunbukh iyo ileen kuma yidhaa tobanle yaal iibso
• Tukashada iblays kaa duwiyo toobadkeenimadu
• Ma taqaanid mooyee ileen kheyr ma taban taabsho
• Indha lagu turbaayaa ileen tuug iskama dhowrin
• Tuxsadaada shiishaa ileen toogti lama seego
• Taraan geel irmaan kii carrada igu tiraabaayey
• Tuluda u tarmaysiyo ileen tooyad ma iloobin
• Dadkii maal turaabta ah laheen taajirba ismoodin
• Caydhuu ii tagaabee ileen kuma tabiinaysoo