Xolo Baas Wade: Eeyaahe waa odayga, faraha boodhka ku ruquusaya, duqnimadaadii tuulada ma gurigaaga hadhkiisood shax ku ciyaartay isugu wada tagtay?
Safar Maal: Waar aflagaadadu waa ceebe, sida haw hadline, in la kala xishoodaa fiicane, wixii jira uun sheegoo, maxaa dhacay ee ku gubaya?
Biidaar Feedh: Adeer, aniga si fiican kuugu balbalaadhine, i dhegayso.
Safar Maal: Haye, bal wad.
Biidaar Feedh: Magaaladu waxay weel haysatay saakay la wada kalahday. Oo xitaa wax kale iska daayoo, falaasyadii shaaha lagu shubanayey inta qaxwihii laga wada gororiyey ayaa kiyuugii sanka loogu xidhay. Ceelkii yaraana waxaan afar foosto gaadhaynin baa guntiisa ka sii bidhaamaya.
Tii booyad ahayd ee Kayma-Jiidh wadayna dalcaddii Farda-Roga ayuu xalay afarta shaag cirka ugu taagay. Dee horana waa taan, Safar-Maalow, idiinku sheegay een idin idhi: Ninkaa baabuurka ka reeba oo Ina-Luudiye u dhiibta.
Dee halkaasi bay talo taagan tahaye. Kaalay oo dadka dhex tagoo wax uun kula hadal.
Xolo Baas Wade: Muxuu dhex tegi oo kula hadli? Dadkaba qorraxdii baa wada gagabisayoo, wixii juuq u yidhaahdaba baaldi bay wejiga ku balaadhinayaane.
Safar Maal: Waar adigu hadalkaagu dhinac loo raaco malehe e, aan kala aamusno. Markii horaaba Xoola-Baas-Wade magacaaga la yidhiye. Waar bal Bidaar-Feedhow ina mari, aynu meesha gaadhnee.
4.
Kaba Tuur: Waar Qalbi-Bigeysow.
Qalbi Bigays: Hee
Kaba Tuur: Ninkaa horteena sii socdee, qaadka bacda ku sita ina gaarsii, waa raggii aan qayla dhaanta ceelka u diree. Inaanu cidna farriimaynin baan u malaynayaayoo, kol hadduu caleentaa gacanta ku dhigo, miyir ma lehe. Bal soo carar aynu gaadhne.
Qalbi Bigays: Haye, ina eri bal.
Kaba Tuur: Waryaa Sow-Sowle.
Saw Sawle: Hee.
Kaba Tuur: Waar aanu ku soo gaadhne, bal yara joog. —- Waar raggii ma soo wada martay?
Saw Sawle: Waar maxaan soo maraayoon soo maraa? Sow markaan dariiqii xuma kaaga dhaqaaqay, sow mid xun oonu walaala nahay sow lamaan kulmin. Dabadedna sow maqaaxidii xumayd ee Ina- Dambas-Tuul sow shaah yar oo xun u maanaan fadhisan. Dabadeedna sow reerihii xumaaee xaggaa xun ee hawdka yaalay sow ka maan waraysan. Dabadeedna sow imuu odhan geelashii xumaa ayaa xanuun xumi kaga dhacay. Dabeedna sow sheekadii xumayd nalamay sii dheeraan. Dabadeedna sow markaan labadii koob ee xunxumaa lacagtoodii xumayd u tuurray, sow kii xumaa ee walaalkay ahaa imuu odhan igama tegaysidoo, sow dabadeed intaanu laba mijood oo xun-xun islaamihii xunxumaa ee jaadleyda ahaa ka gadannay. Dabeedna sow xaafad xun oo isagu uu garanayay intaanu tagnay. Dabeedna sow gogol yar oo xun inan yar oo xun oo xaafadda joogtay, sow noo may dhigin. Dabadeedna sow….
Qalbi Bigays: War naga joogso, kuma dhegaysan karayne. Sow muu xumaanin, sow maan doonin, sow muu raagin, sow maan siinin. Taladaadii oo dhan baa sow-sow ka bixi weydeye. Yaa kula noolaan karaya?
Saw Sawle: Waar kan xumina muxuu ahaa?
QB: Waar anagu ma xumine, adaa wada xumaan ku hadlaye, afkaaga naga gaabso.
Kaba Tuur: Waar suga, suga aan idin kala dhex gale e. — Sow-Sowlow, hawshii aan kuu diray iskaga hadh, nagana raalli ahow. — Waar ina mari Qalbi-Bigeysow.
Saw Sawle: Waar bal nimankaa xun-xun ee anigoo dariiqayga xun iska maraya afkooda xun iila yimid eega. Sow haddaan eegga budhkaa xun madaxa xun kala dhaco, sow tuuladaa xun, dadka xun ee jooga ninkeygaa xunee naftisa xumayd lagu soo doontay, sow weliba isagaa gar daraa hadhow odhan maayaan.