Q-4aad Sheekadii jacayl dhab ah

 

Hadda nasteexo wax kasta way garaysatay, wayna ogaatay wiilkii farriimaha kalgacal u soo diri jiray in uu ahaa axmed nuur, wuxuuna ahaa wiil ay iyaduba ka heshay maalinkii ugu horraysay ee ay wada kulmeenba, waana sababta ay sawirkiisa uga soo dhax jiidatay boqolaalka sawir ee ku jaray telka filsan.

Dhanka axmed nuur ma oga in ay nasteexo u soo dabacday, basle horay go’aan ugu gaadhay in uusan dib dambe telkeeda u soo wicin, isagoo wali dareenkii jacayl xambaarsan. Axmed nuur waxaa soo foodsaaray caqabado nolaleed iyo dhibaatooyinka waayaha adduun, haddii ay tahay dhanka waxbarashada iyo imtaxaamadeedi, duruuftii iyo diiftii jacaylka nasteexo iyo waliba xaalado adag oo nafsadeed oo ah in uu oomateedkii ka go’ay, wuxuuna maalmahaas gacantiisa ku qoray midhahan dareenka leh:-

-Hadhuudhkii la cunayiyo
-Hadalkii hadalkii waan ka go’ay
-Hurdana adaa warkeedee
-Harraad adiga awgaa
-Halis galay naftaydii…

Iyo maansooyin badan oo kale oo haddaan meeshan ku xusno inoo kordhinayo uun murugo.

Nasteexo laftigeeda waxay telkeeda markuu soo dhacaba moodaysaa Axmed nuur, wayna ka dhursugaysay in uu maalin uun soo wici doono. Muddo bil ah markuun la soo hadlin, Axmed nuur way ka wada dareemeen dadki in uu diiftii jacayl wali la daalaadhacayo. Iyadoy xaaladu sidaa tahay, ayay maalin maalmaha ka mid ah filsan iyo Axmed nuur kulmeen si kadis ah, waxayna iska waraysteen arrimihii nasteexo. Axmed nuur ayaa yidhi, nasteexo in mudda ah taleefankeedi ma wicin, mana wici doono, wuuna ka dhaqaaqay. Laakiin filsan wax walba indhihiisa ayay dareentay, waxayna ku tiri; Axmed nuurow waxa uurkaada ku jira iyo hadalkaada farqo wayn ayaa u dhaxeeya.

Filsan markay xaafaddoodi tagtay, waxay si dagdag ah u wacday nasteexo waxayna ku caanatay, maxaad wiilka taleefanka uga qaban la’dahay. Nasteexo ayaa la soo boodday; saaxiib qaali hadduu I soo wici lahaa waxbay ii ahaan lahayd.
Filsan ayaa tiri; oo waayahaye adiga maxaad u wici wayday? Saaxiibey isaga ayaan ka dhursugayay. Filsan ayaa ballan uga qaadday in uu soo wici doono, waxayna is dheheen waayahay iyo waayahay.

Filsan waxay xilligiba wacday, Axmed nuur, waxay ku tiri walaal qaali maxaad nafsaddaada ugu ciyaaraysaa, dhibaatada ku haysata bulshada dhan ayaa dareentay, nasteexo in mudda ah ayay ku sugaysay in aad soo wacdo, marka waa in aad hadda wacdaa, haddii aad tahay qof hadalkayga maqlaya.

Axmed wuu garaystay canaantii filsan, wuxuuna go’aansaday inuu galabta waco nasteexo, balse, ma aha nin qalbigiisu sidi hore u daggan yahay, oo hadallo naxariis ah ku hadlaya, sababtoo ah muddo bila ah ayuu dareen jacayl la xanuunsanaa, oomateedkana ka go’ay, marka ma laha awood uu hadalladiisa ku kala sooco.

Galabtii markii la gaadhay, ayuu nasteexo wacay, markii ay ka qabatay, ayuu axmed nuur yidhi; Halow, gabadhi hadalba wuu ka soo bixi waayay, oo awoodba way u wayday in ay jawaabsiiso, sababtpp ah waxaa kadis ku noqday wicitaankan Axmed nuur. Wuxuuna ku celceliyay, hallow, Halow, maad ila hadashid, maad ila hadashid. Nasteexo ayaa soo baraarugtay, hadalkiisana kulayl ka dareentay, waxayna tiri, isdaji huunno,
Axmed nuur ma aha nin uu qalbigiisu daggan yahaye, hadallo guhaad ah ayuu gabadhii kula hadlay, iyadoo leh huunno isdaji, dareentayna in uusan qalbigiisu dagganayn, ayuu taleefank ku jaray.

Axmed nuur markuu xaaladdaas ku sugnaa, waxaa hareerihiisa tubnaa asxaabtiisa, waxayna dareemeen in uusan dagganayn. Saaxiibadiis ayaa ku canaantay maxaad gabadha taleefanka ugu jartay, ood sidaa ugula hadashay, waxayna ku dheheen hadda wac gabadha oo si daggan ula hadal, mar labaad ayuuna wacay, wayna ka qabatay, iyadoo marxalad xun ku sugan walina dajinaysa, sababta oo ah way dareensantahay, in dareenka uu iyada u qabo tan dhaaf yahay. Waxayna ku tiri huunno is daji.
Wuxuuna ku yidhi; kaalay hadda xaggeed joogtaa.
Waxay ku tiri: Xaafadda ayaan joogaa.
Wuxuu ku yidhi: Kaalay hadda garoonka kubbada iigu imo, oo markaas ciyaar ka socotay.
Waxay tiri: Ma iman karo hadda.
Wuxuu yidhi: Haye, anaaba hadda xaafaddiina kuugu iman.
Waxay tiri: Maya xaafadda hooyo ayaan ka baqayaa.
Wuxuu yidhi: Hadii ay saataahay, caawa ayaan Koombiitarka kuugu imanayaa
Waxayna tiri: Maya Koombiitarka ardayda ayaa

Axmed nuur markaas iyada ah nin daggan ma ahaba, iyaduna way dareensan tahay, hadalkan dagdagga ah iyo ballamahan dagdagga ah ee ay ka hor imaatay. Sababta oo ah waxay jeclayd in ay marka hore taleefanka si caadi ah uga wada hadlaan. Hadalladii markay is dhaafsadeen, ayuu axmed nuur taleefankii jartay, wuxuuna yidhi dib dambena kuu soo wici mahayo.

Laakiin nasteexo waxba uma aysan arkin hadalladii khaldanaa iyo taleefanka uu ku jaray, waxayna niyaysatay in ay axmed nuur maalin wada kulmi doonaan iyagoo wada faraxsan…