Q 8aad Ruwaayadi qoraalka ahayd

Biidaar Feedh: Naayaa, Kildhi-Jebiso.

Kildhi Jabiso: Waar adigu imaad naagaysanine, afkaaga hagaajiso, oo waa maxay?

Biidaar Feedh: Igaba raalli ahowoo hay’addii, ceelkii, bahal mishiin ah oo guuxa diyaaradaha leh bay inoo dul dhigtaye, orodoo dumarka waxaad ku tidhaahdaa. Biyo waad ka dhergaysaane, buuqa iyo iska daba wareegga iska daaya, waa ceebe.

Kildhi Jabiso: Oo haddii lagu rakibay muxuu raggu qabtay? Qayladayadii iyo cabaadkayagii ayay hay’addu u adkaysan weydayoo haweenka baroortoodii bay ku timiyeh.

Biidaar Feedh: Haa waa runtaaye. Orod oo farriinta, walaal, dumarka iga gaadhsii.

 

Hay’adda: Inyar aynu is maqallo. Horta ceelkii waanu idiin dhammaystirray. Mishiin noocii u dambeeyey oo aad u qaali ahna waanu idiinku rakibnay. Sida mashiinka loo isticmaalayo iyo wakhti-la-socodkiisana Xoolo-Baas-Wade ayaanu si fiican uga dhaadhicinnaye. Waxaanu jeclaan lahayn inaanu iska carrowne e. Oo hawlo kale ayaanu berri ku kalaahaynaaye. Aynu is nabad gelyeyno.

Xoolo Baas Wade: Dhegaysta oo dhegihiina aad dhukayga uga gura. Waa taa hay’addii hortiina ku sheegtay: Xoolo-Baas-Wade mooyaane, cidi kale ee mashiinkaa u dhowaataa inay tahay dembiile WEYN. Haddaba ninkii hadhow igu meeraysan doonow, waxba dadka haysku dhex nabine, eeggaba farta taag, halagu arke.

Safar Maal: Waar horta Ilaah baa mahad lehe, xil culus oo dusha naga saarraa baad naga furateene, hay’addiinan ‘Geed-Xagaafna’ horaanu magiciina u maqli jirnee, maantana kulan xasuus mudan oo wax-qabadna xambaarsan baa ina dhex maraye. Haddaba wax aan buurnayn oonu hadiyad ku tilmaanay baanu idin gudoon siinaynaaye, naga guddooma.

Hay’adda: Waanu idinka guddoonnay. Waad mahad san tihiin. Waana xasuus qaali ah. Waayahay, nabad gelyo.

Wadajir: Waayahay, nabaadiino. Waayahay.

Xoolo Baas Wade: Bal hadda eega hadda. Hay’addiiba ma dhaqaaqine, goormaad nafta carrabka soo wada dul saaraysaan. Malaha waxaad u haysataan inuu Xoolo-Baas-Wade biyaha ceelka ku jira sida maroodiga mar keliya wada fuuqsanayo. Anba waan harraadanayoo, idinla mid baan ahaye. Waxba isku diidi maynoo, weynu wada cabbi doonaaye. Mishiinkaanu is yar baranaynaayoo, meelihii ay hay’addu ii taataabatay ayaan yara tirsanayaaye. Aniga hadhow idiin baaqi doonee. Orda oo qof walowba gurigaaga iskaga yara noqo. Raalli ahaada oo.

Markay oontee
harraad oloshay
oogo caws liyo
kayn ugbaad laba
eegi waydaa.

Xoolo Baas Wade: Tolow tuuladani haddaanay Xoolo-Baas-Wade haysanin, siday yeeli lahayd.

Markay anigiyo
dawlis aragtaba
darkaan aasee
afar geeslaha
u adkeeyey
arki maysee
aayar dumisaa.

Weliba biyaha mishiinka waan ka naaqusaye. Haddaan xadka u sarreeya geyn lahaa, tuuladan wax daad sito mooyaane, qoys deggan lagama arkeen.

Haddan lay odhan
ayaan kheyrluu
alle keenoo
inankaa yari
ifka noo yimid
waa abaal le’e
maxay ka ogtahay?

Bal Safar-Maal oo laba digaag u waraabin karayn bay tuuladu ku meeraysataaye. Kol haddaan webi biyo ah u soo faruuray inay duqnimadii magaaladu dhankeyga u soo wareegayso ma shaki baa ka jiraa?

Waar soo yaaca, waar kaalaya, biyaha cabba.