Ismaaciil mire Allaha u raxmee kaliya ma ahayn geesigii cadawga waabin jiray, ee sidoo kale wuxuu ahaa gabyaa murti toosan, oo dhaxal inooga tagay.
Maanta barnaamijkeena suugaanta kaga bogta gabaygan tusaalaha ah.
• Caliyow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye
Wax badan baan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye
Wax badan baan sidkaha kuu xayiray, xaas walwaallada’e
•
Xiniinyaalihii kula sinnaa, waaka xoogsadaye
Xadka qabada niman baa guboo, soo xantoobsadaye
Niman baa xeryaha deerka dhiga, xanankii toomoode
•
Liiraha rag baa xamar u tegay, oo u xeeb maraye
Niman baa dayuurado ku xidhan, xiima samadaase
Niman baa xijiga iibsadiyo, xabag dhunkaaleede
•
Niman baa xaraabada galoo, xoolo saanyada e
Hablaha xuurul caynta rag baa, xeel ku guursada e
Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qoda e
•
Soddon gu’ baan ku xasaamiyeyiyo, weliba xaalxaale
Haddaan xiiqay sidaan kuu lahaa, xaaxiyohow toose
Xaawaley kolay tahay dad waa, xagafsanaayaaye
Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele
X/doollo.com