Naftaada wax aan jirin intaad ka soo qaadi lahayd, qofka aad naftaada ka jeceshahay wax aan jirin ka soo qaad!
Axmed nuur madax xanuun badan ayuu yeeshay, noolashii ayaana ku xumaatay waxbarashadiina wuu joojiyay, waxay na isku dhaceen macalimiintii, in mudo ah ayuu dalanbaabi ahaaye, dadka markay arkeen xaalada uu ku sugan yahay ayaa asxaabtiisii la canaantay oo lagu yidhi, ‘ninkan maxaad ka damacsanaydeen miyuusan saxiibkiin ahayn, maad sidan talo oogu dhaantaan, waad aragtaan in uu joog iyo jiifba qaban laa yahay, cunadiina uu ka caagay’.
Asxaabtiisii iyo qaar kamid ah ehalkiisa ayaa ka xaajooday, waxayna go’aansadeen in ay xaafadoodii geeyaan magaalana ka sii qaadaan, xagaa iyo gobalkaasi afdheer oo ay qoyskoodu daganaayeen u sii qaadan, markii loo soo bandhigay socdaalka wuxuu yidhi anigu meela ooma socdo, waxaayna ku sasabeen in ay dhamaan asxaabtiisa baxayaan oo ay dhow maalmood soo joogayaan wuuna ka ogalaaday, axmed nuur taleefoon iyo ku hadalkiisa waxaa ugu dambaysay maalinkii uu la hadlayay nasteexo oo telkiisii midba meel ayuu ku tuuray gabadhii nasteexo ahaydna xitaa way wayday meel ay kala xidhiidho.
Nin buka boqol u talisaye, Axmed nuur markii xaafadii la geeyay, la arkayna xaalada uu ku sugan yahay, ayaa la yidhi ninkaan jin ayaa ku jiree aan jinka ka saarno, halkaasna wuxuu kala kulmay ciqaab aad u xanuun badan, dhibkiisina dhib ayaa loogu daray, markii hore waxay u muuqday in uu yara fiicnaa, laakiin hada caadi ayuu u xanuunsaday, iska caabin ayuu sameeyay, wuxuuna ku cawday imbadan in qalad laga aaminay, balse cid wax ka dhagaysan ma jiro, waxaana la yidhi mar labaad wali ma isagaaba jinkii ka baxay, war ninka ha la taago, dadkii ayaana isku dhinac ka maray, Cid garab buuxa siiyana ma uunsan helin, mudo 4 bilood ah ayuu xanuunsanaa.
Nasteexana markii loo sheegay in uu axmed nuur magaaladi godey ka tagay, loona sii qaaday xanuun awgii, aad ayay u niyadjabtay, fikir iyo waxayna gasahy walaac, intii ka warhaysay arrinkeedana way ka dareemeen. Waayo waxbarashada markay soo aaddo kaligeed ayaa meel fadhiisanaysay. Waxaana dareemay asxaabtii dhannayd ee ay isku galaaska ahayeen. Nasteexo waxaa looga warramay in wiilkii ay xaaladu ku xun tahay, ifraax ayaana u sheegtay waxayna ku tidhi axmed nuur xaaladan adigaa u horseeday.
Nasteexo ayaa ku andacootay in ay arinkan sabab ku lahayn waayo axmed nuur anigaba waan jeclaa hadana magaranayo meel aan kala xidhiidho taasna maaha mid aan aniga khalad ku lee yahay sababtoo ah anigaba waan daalaa dhacayaa.
Nasteexo markay in mudda ah axmed nuur sugaysay, in uu ku soo noqondo godey, basle ay ka noogtay, war iyo wacaalla ay ka wayday, xasuus kaliyana ay ka weheshanayso, muddo sanad iyo waxyaabo ah markii laga soo wareegay, ayay nasteexo reerkoodii ku tashadeen in ay nin ku daraan, sidaasna reer ayay ku yeelatay oo ku noqotay xaas.
Axmed nuur markuu maqlay guurka nasteexo, wax aan duco ahayn kuma uusan jawaabin, wuxuuna yidhi: “Wax walba qaddar ayay ku dhacaan, calafkuna waa caleemo daad wada”, wuxuuna noqday macallin ay dhallinyaradu kala tashadaan arrimaha jacayl, wuxuuna ku dhiirigalin jiray; ” Naftaada wax aan jirin intaad ka soo qaadi lahayd, qofka aad naftaada ka jeceshahay wax aan jirin ka soo qaad”.
Waxaa kaleeto oo uu dhihi jiray; “Haddii xasuus qalbiga laga tirtiri karo maanta wax wayn bay ii ahaan lahayd, waayo lambarkii nasteexo haddii aan taleefankayga ka tiray, qabigayga ayaan ka tiri waayay, mana lihi awood aan kula hadlo, sababtoo ah waa gabadh reer leh”.
Haatanna Axmed nuur isagoo aqoonyahan jaamacadeeda ah ayuu caafimaad ku noolyahay, markasta oo uu nasteexo soo xasuustana wuu u duceeyaa mansha Allaah. Wuxuuna raadiyaa gabadh Nasteexo dhigeeda ah ama yara shabbahda hadday macquul tahay.
Waxaa dhammaatay sheekadan oo dhab ahayd, waa inoo kuwa kale oo xiisa badan idam Alle, waxaa mahad iska leh Allaha waaxidka ah. Dhammaan waad mahadsantihiin jaalkaanaga xishmadda badan ee sida gaarka ah ula socda taxanayaasha boggan.