Qadhaabsi

Noocyada qadhaabsi ee ay soomaalidu soo martay

Hargaanti buureed
Arah
Heerin
Dhuxul-beeg
Hargaanti buureed

Hargaanti buureedku waxay ahaayeen rag ugaadhsato ah. Waxay ka ugaadhsan jireen meelaha fogfog ee hayjadaha ah iyagoo wata awr gaadiid ah iyo qalab. Waxay ugaadhsan jireen ugaadha kala duwan. Kuwaasi oo meesha ay degaan ay ugaadhu ka kala guuri jirtay, si ba’anna wax u ugaadhsan jiray.

Araha

Waxay ahaayeen dad wax qadhaabsada, kuwaas oo rag uun ahaa. dadkani ma ahayn kuwo wax ugaadhsada, balse waxay ahaayeen dad qadhaab gurashada ku caan baxay, waxayna ka qadhaabsan jireen, malabka shinnida, malmalka, xanjada, xamakada, dhista iyo tiirarka guryaha lagu dhisto iyo wixi la mid ah. Taas oo dhirta iyo deegaanka nabaad guur ku ahayd.

Heerinka

Waxay ahayeen haween, kuwaas oo doonan jiray, cawska dhurbada, cawda, maydhaxda, udbaha, dhigaha, xaskusha iyo wixi la mid ah. Dadkaas oo dhirta diiran jiray, manaafac darrana u horseedi jiray.

Dhuxul-beegta.

Sidaan wada ognahayba dhuxul-beegta mid hadda deegaanka caan ku ah, waana dad si khaldan dhirta u jara, geedaha waawayna guba, kana beegta dhuxusha. Dadkani waa kuwa ugu saamaynta badan nabaad guurka deegaanka, maxaayeelay, dabka ay shidayaan waxay kaga tagaan meesha iyaga oon bakhtiinin, kaas oo sii hulaaqa saameeyana in uu gubto deegaankii ku xeerraa agagaarka. Qiiqa iyo dabkaasna waxaa urisa ugaadha iyo haadda kuwaas oo ha haajiraya deegaanka.

Guud ahaan kuwan aan kor ku soo xusnay, waa kuwa ugu waawayn ee ka qaybqaata xaalufinta deegaanka, iyagoo bulsha kasta oo ay la noolyihiinba ay u arkaysay kuwo khatar ku keenaya deegaanka. Cimila xumo, nabaad-guur iyo ugaadha oo ka qaxda deegaanka ay ka jiraan dadyawgan oo kale, iyaga oo ay bulshadu ku takoori jirtay maahmaahyo iyo waliba suugaan wacyigalineed.