Cabdi majiid -Timo jilic, maansadii war aarmaad

 

Barnaamijka suugaanta Arbacada ee bogga dhugasho, waxaan ku eegaynaa maanso uu Tima jilic kaga hadlayay xumaanta colaadda iyo guuldarrada laga dhaxlo. Wuxuu yidhi:—

War armaad curyaankii
Isagoo cagaha iyo
Cududaha ka naafa ah
Cidladaw gurguurtee
Wax u ciidma waayee
Dabeed bahal wax cuna iyo
Coomaadi ugu yimid
Caynkiisi noqotaa

War armaad cirroolihi
Caranimadu qaaddee
Isagoo ciqaab iyo
Wax cabbudhinayaa jirin
Caqli xumo ku dhaartee
Cir guduudda waagii
Ciyaalaan waxba ahayn
Cadduurada la dheelee
Casarkii bakhtiyay dee
Caynkiisi noqotaan

War aarmaad caalim sheekhoo
Cilmi iyo aqoon loo
Dadku wada cizeeyoo
Cisha aan la filanayn
Camalkiisu leexshoo
Sida kale u ciiroo
Caasiyay Ilaahay
Caynkiisi noqotaan

War aarmaad Carmalidii
Calafkay lahayd iyo
Cimrigeedi tagayee
Iyadoo la caashaqay
Raggi wada cidlaysee
Is cajabisayee tiri
Anigaba cadraan ahay
Cajuusawday dabadeed
Caynkeeyi noqotaan

War aarmaad cashiiradi
Ku cawaysay nabadee
Caafimaad ku seexdee
Colka lagu dhaxtuuree
Kala cararay dabadeed
Caynkeedi noqotaan

War aarmaad ciyawgii
Caymaha u hoydee
Cawa daranta galabtii
Cilcillawga fiidkii
Wax cidhiidhi galiyiyo
Culays wayn dareemee
Codki uu lahaa iyo
Ka cabsaday dhawaaqee
Ciyi waayay dabadeed
Caynkiisi noqotaan

War aarmaad cir hooroo
Curtay goor habeenoo
Calcalyada xareeddiyo
Biyuhu caadda jiifaan
Meeshii caleen iyo
Laga rabay cagaar baxa
Cawskiyo dhirtii gubay
Caynkiisi noqotaan

War aarmaad weer calaankii
Hashi uu candhada jaray
Catireeyay naasaha
Nirigtiina calashaday
Canka iyo faruuryaha
Cadawnimo daraaddeed
Isku soo celceliyee
Car maxay ka nuugtaa
Car maxay ku nuugtaa
Canaad ugu dhawaaqee
Markay caana waayeen
Carruuruhu ku ooyeen
Caynkiisi noqotaan

War aarmaad sumal cuddoonoo
Ku cayilay tigaadoo
Cosobsaday dhul doogloo
Ciiriga ku naaxoo
Calgas reer ku guuriyo
Caya uga dambaysoo
Wax caal lagu tilmaamiyo
Cudur wayni helayoo
Caatoobay dabadeed
Caynkiisi noqotaan

War aarmaad kaba canjalafkii
Cawrala’ aroostee
Caruuskii billawgaba
Cillad xumi ku dhalatee
Cirwaynida la timidee
Cawday ku seexdeen
Casha loogu keenee
Subag meel ku cuurraa
Fandhaal ku cambalaashee
Ku cammiratay hadalkii
Wallee kaba canjalafow
Cisha hore warkaadii
Sidi calal dillaacaa
Ciddi laygu jeexaa
Isaguna cajiimee
Xeedhadiiba ku cartamay
Caynkiisi noqotaan