Sheeko iyo shaahid

 

Waa qiso miyiga ka dhacday bari hore

Deegaanka la yidhaahdo Fiinjaawe ee wabiga cillaan agagaarkiisa ayaa la deganaa, reeruhu waa barwaaqaysanyeen, waxaa lagu jiray goor gamashi ah, inkastoo bil qabaw lagu jiray, oo xoolaha galaha laagaha ciirigooda dugsi ahaan loola galay, balse dhallinyaradu way iska tamashleynayeen, aniga sheekadan qorayo reerki aan markaas ka war hayay, wuxuu ku jiraa laagta la yidhaahdo baar-oomman ciirigeeda. Xooluhu qaarna waxay ka cabbaan wabiga, qaarna waxay u arooraan yaaxeemaha xagga qallaalka ah. Carradu waa iska waraabe badan tahay, libaax iyo horar kaleba dadka qayladoodu ma yara, laakiin sida kale waa nabadgaliyo wax colaad ah sanado badan lama arag.

Sanadkaasi intuu wabigu jabiyay oo beero badan reer miyigu abuurteen ayaa aad loo qooqnaa. Arooska iyo cayaaruhu ma kala gu’i jirin, gaafka iyo guuraha habeenki waagaa ku baryi jiray. Wiil kasta gabadh baa u tilmaanayd.

Gabdhaha deegaanka waxay ahaayeen kuwo aad u xishood badan, oo lagu barbaariyay dhaqan gobanimo, ceebta iyo cizaduna way u kala soocnayd. Waxaa qiimahooda sare ka dhigay xishoodka iyo dhawrsanaanta.

Gabadh kasta oo deegaankaas ka kacday, waxaa loo guursan jiray sidi gabadh boqortooyo oo kale. Maalintaa la guursanayo waxaa iskugu iman jiray reeraha nawaaxiga ka dhaw oo idil, gaafkeeda iyo mashxaraddeeda toddobaad ayuu soconayay. Waxaa gabadha iyo wiilkaba loo soo hadiyayn jiray, suugaan iskugu jirta ammaan, dhiirrigalin, duco, talo iyo wixi la mid ah.

Suugaantaas waxaa ka mid ahaa sidan:

Dhiirrigalinta:

-Hadi lagu calmado, dhulka lama cuskado
-Wixi aad xiirsatana, waa calool adayg

Salaanta:

-Soddon jeer baad hawada, ka salaaman tahay
-Soomaalida dhan baan, kaaga waday salaan

Ducada:

-Caruuskayagow carruura dhaloo, ku curo cabdi naasiroo kaleyey.

Sidaa darteed, gabdhaha deegaanku waxay noqdeen kuwo aad u qaali ah, marka la arkay edabtooda, xishoodkooda, dhawrsanaantooda iyo dadnimadooda.

Sheeko iyo shaahid

Gabadh lama arag deegaanka ka hor iyo kadib

Waxaa dhacday barigaas iyada ah, qiso cajiib ah, gabadh aad ugu caan baxday qurux, aftahanimo iyo firfircooni ayaa deegaanadaas ka kacday. Gabadhu waxay ahayd gabadh da’yar, gabyaa ah, oo sida ragga u maansoota.

Gabadhu waxay u dhaqmi jirtay sida wiilasha, Wax kasta oo nin qabto way isku dayi jirtay, sida, bootinta, dabbaasha, gabayga, toogta iyo wixi la mid ah. Marka dhaantada la joogo safka wiilasha ayay ka soo jeedsan jirtay, iyadaana dhaantada ka gabyi jirtay, sida wiilasha ayayna cayaarta ka boodi jirtay. Ma aysan buraanburi jirin sida gabdhaha, sida dumarka ma ayn samayn jirin xadhkaha iyo alaabta guriga. Lama arki jirin iyadoo jiifta ama si xun u fadhida, markasta markii loo imaado waxa u digtoonaan jirtay si xeel ah. Jiljileec iyo uma aysan dhalan naagnimo.

Waxay odhan jirtay ragga xitaa waan ka sareeyaa, oo wiilasha xitaa way yasi jirtay, waxay odhan jirtay: “Sida haadkaan hawada, kor u hayhaabayaa”. Meeshaa waxa ka cad in ay gabadhu heersare isla ahayd.

Gabadhu sida gabdhaha kale lama shukaansan jirin, ninkii isku daya in uu shukaansado, iyadaaba shaarubadiisa isku soohi jirtay, wiil kasta wuu isku dayay in uu sidi gabadhnimo lagu ogaa jeclaado balse isagoo xishoonaya umbuu mid kasta carari jiray.

Gabadhu waxay deegaanka ku soo kordhisay, xitaa suugaan casri noqotay, oo aad loo xiisayn jiray illaa iyo waayo dambe, waxay deegaankaas ku soo kordhisay hab-cayaareed cusub oo aad looga xiisayn jiray, oo ay iyadu abuurtay.

Gadhu muddo kooban oo sanad ka yar ayaa deegaanka dhan lagaga wada sheekaystay, haddii ay hal-abuurnimo tahay iyo hadday fiefircooni dadnimo tahayba, waxayna ahayd gabadh ka dheer waxyaabaha saqajaanimada ah, oo ragga loogama yaabayn in ay si kale ugu dhax jirto.

Hal wiil ah ayay is fahmeen, wiilki aad ayuu u jeclaaday balse iyadu aad uma ayn jeclayn, markii dambana waxay ku tiri, sidan: “Ma I jeceshahay wiilyahow?” markuu ku yidhi: “Haa”, waxay tiri; “Haddaba anigaa ku soo doonan intaadan I soo doonin”. Wayna kaga dhabaysay oo waxay soo aadday wiilki aabbihiis, waxay ku tiri wiilkaada ayaan kaa soo doonay!

Odaygii gabadha aad uguma uusan bogin waayo hadda ka hor sheeko iyo shaahid midna laguma maqal deegaankaas gabadh soo doonaysa wiil. sidaa darteed, odaygi gabadha wuu canaantay, iyadana waxay ahayd gabadh aftahanad ah oo cajiib ah, odaygii waxay u billawday hadal murtiyeed iyo cilmi bulsho, intay sheekada ku dhax jirtay ayay gadhkii odayga dhammaan wada soohday, mardambe ayuu soo baraarugay gadhkiisi oo sida xadhigga u soo han. gabadhina sidi bay kaga tagtay isagoo yaabban. Balse gabadhi iyo wiilki halkay ku dambeeyaan waan eegi doonaa.

Sheeko iyo shaahid