Gabaygan oo uu tiriyey Cilmi Carab, wuxuu ka warramayaa in inanta habla oo dhan u sidata, oo ka soo dhalaashay waajibaadkii gabadhi lahayd oo idil uu heli karo nin geel yarad uga bixiyey, oo kaliya, sidaas darteedna habboontahay in geela si wacan loo dhaqaaleeyo:-
Inan toosan oon gaabanaa lagu tilmaamaynin
Dhexduna taako ay leegtohoo toobin yahay naasku
Oo timaha labadeeda garab tahan la dhaafsiiyey
Tafeennadana aan dhuubnayn oo taagan tahay qoorta
Tukhnina ay yihiin madow dibnuhu, tay ma ay noqone
Ay teedsan yiin oon ilkaha laga tabaalaynin
T iriig midabki-leeyeey midaan baalinnimo taaban
Oo aan tafuu kala qubnayn toobka ay sidato
Oo tacab haween iyo farsamo taabka 1oo geliyey
Tallaabada midaad ugu bogtoo uu rag wada toyday
Tolka iyo miday derisyadii uga tudheen ceebta
Oo aan talada waalidkeed kala tageyn waana
Oo tiirisoon hooyadeed tacab khasaaraynin
Oo Tawlan 1oo bixyey oo qurux la tiicaysa
Oon tegin cayaaraha gabdhuhu tumanayaan leylka
Oo uu ninkii tamar yaraa taabi kari waayey
Oo tira ku soo hoysa oon adhi tosoobeynin
Oo toban da’deeduna malaa ay toddoba dhaaftay
Toga iyo waxaa lagu helaa Teeyo sidigteede
Ma tixgeliyo kii dhalay ninkaan soo hor tubin geele
Maandhow tabaalada ka dhawr daaqa yuu tabanin.
Eray bixin
Toobin: Af dhuuban
Tahan: Qiyaas dheer tira ahaan
Tafeeno: Marada fiidaheeda (tafta)
Tukhni: Midabka aadka u madaw (Tikh madaw)
Tay: Midab guduud ah (cas)
Tiicaysa: Tartiib u soconaysa
Tasoobaynin: Baadi lagi illaabaynin
Toga, tawlan: Geela magacyadiisa
Taaniga: Fariid karti badan
X/Buugga suugaanta geela