Q-2 ee Sheeko iyo shaahid

 

Fardawsa sidaan horay ugu soo sheegnay waxay ahayd gabadh isku darsatay caqli, geesinimo, karti, hami, firfircooni, hal-abuurnimo, cod karnimo, ilbaxnimo IWM. Sida aan soo sheegnayba waxay ahayd gabadh ka faanta in xitaa loogu yeedho magac gabdheed, Naayaana aan lagu agdhihi karin. Wiilasha ayay ku dhax jiri djirty haddana waxa saas ah si gabadhnimo loolama dhaqmi jirin ee waa laga haybaysan jiray, oo jacayl xitaa looma soo bandhigan karin, waayo waxayba isku qabtay in ay iyadu ka sarraysaba wiilashan.

Deegaanka xilligaas lagu noolyahay waa deegaan aad dhaqankiisa u dhawrsan yahay, gabdhaha iyo wiilashana ay ceeb ku tahay in ay is dhex galaan, taariikhda waxay ahayd sagaashameeyadii, dadka qabkiisa iyo xadaaradiisa nolaleed aad ayay u sarraysay, dunidana way iskala qaalisanaayeen.

Baryahaas waxaa socday dhaantooyin casri ah, oo run ahaantii ku salaysnaa dhan kasta oo bulshada xadaaraddeeda ah, sida dhanka waxbarashada, siyaasada, dhaqan dhaqaalaha, wax soo saarka, guurka iyo dhammaan waxyaabaha la xidhiidha.

Goballada dhanka galbeedka sii xigay, sida gobalka Nogbeed, Qorraxey iyo Jarar ayaa had iyo jeer sidi wax soo saarki u soo saari jiray xalladaha luuqda cayaaraha dhaqanka iyo hiddaha, waxaadna ka dhadhansan jirtay dhaantooyinka qaar guubaabo horumarineed ah.

Dhanka waxbarashada waxay odhan jireen:-

“Ma badhkiin baa Barbara, Buug ka soo yeedhsan jiray”

Dhanka isbaddalka xadaaradeed ee labbiska:-

“Wiilka koodhka madowbow, Killallow kaligaayeey”
“Markuu suuqa mari, sarwaalla caddaw, safkaad ku jirtaan salaamaayey”
“Saacaddii dhudhunkiyo, naa sildilad sudho laabtay”

Dhanka is jacaylka goballada iyo waddaniyadda:-

“Soon af-dheer baan sacday, kaaga waday salaan”
“Taan jeclaayeen u jeelay, ma Wardheer baad jirtaayey”

Dhanka xadaaradda bulshada

“Soo ma giro jacayl, wax ku soo jiita iyo”
“Sida jaadkay, jalleecadu kula jirtaa”
“Taagni dheerey bal tali kaama tagi karee”

Iyada oo ay sidaa ahayd, ayay fardawsa deegaanka meelo badan kaga soo caan baxday iyadoo ku sifaysan ilbaxdimada aan ku soo sheegnay. waxay dhaantada ku soo gashay habeen iyadoo dhahaysa sidan:-

“Boqol sano yarkaan baadhayaa booska yimid”

Dhallinyada dhaantada habeenkaas tumaysay, ma aysan aqoonin gabadha iyo waxay tahay, sidoo kale xalladda ay ku luuqaynayso way ku cusbayd deegaanka, cagta waa lala heli waayay, markaasay ka soo jeedsatay dhanka wiilasha iyadoo cagta baraysa sidi macallimad jaamacadeed.

Wiilashi waxay dareemeen in gabadhan aysan gabadh kaliya ahayn ee ay tahay naag ka soo dhalaashay dunida, kaaga daranta waxayba billawday inay la wareegto booskii gabyaaga ee habeenkaas loo soo diyaarsaday in uu ka gabyo meesha. Waxayn ku gabyaysaa luuq sidoo kale ku cusub oo dhalinta wada xiiseeyeen. Gabadhihi meesha sii joogayna dhaantadi waxayba la tumi waayeen amakaag iyo yaab. Gabadh iyo wiilba cid kasta wixi meesha joogay iyadi umbay afkeeda fiirinayaan, ilaa ay marki dambe ka dhahdo:- “Cakuyeey cagtan caaway, Ciidankeedi ma joogoy”.

Markaasaa dhiirrigalinteeda darteed loo hawadiyay ciyaartii, habeenkaasna waxaa la ciyaaray illaa intii waagu ka soo iftiimayay, wiil kasta wuxuu u guntaday habeenkaas in uu gabadhan wakhti la qaato oo la sheekaysto, markaasaa xilligi dhaantada la waday waxay adeegsatay xifaalooyin ay wiilasha ku qancinayso in aysan ku soo hongoobin sheeko teeda ah caawa iyo habeen kaleba; “Sidi haadkaan hawada, kor u hayhaabayaa”, taas oo loo qaatay in ay reer leedahay, haddana iyadoo ka sii jaahil bixinaysa waxay ku caddaysay baydad dhaanto ah in ay gabadh tahay balse wiilka ay raadinayso ay boqol sano ku qaadan doonto. Markaas ayaa la fahmay in ay naag adag tahay.

Markii dhaantadi la dareeray ayay gabdhihi iyo wiilashi midna ma ays raacine waxay u istaagtay gooni, si ay ragga u tijaabiso, wayna is ogtahay in diiradu caawa iyada wada hayso. Wiil sigaarku ka iftiimayay caawa oo dhan, qori sinka laab ah oo cusubna ku xarragoonayay oo ay iyaduba isha ku haysay ayaa agteeda ku soo wareegay, wuxuuna kula kaftamay luuq ilbaxnimo oo ay iyaduna fahmaysay.