Madaxweynihii hore ee Uruguay José Mujica waxaa loo yaqaanay madaxweynaha ugu saboolsan dunida, kaas oo qabtay talada dalka Uruguay, 2010 kii, Mushaarkiisu waxa uu ahaa $12500 ( Labo iyo Toban kun iyo Shan boqol oo Doollar), waxa uuna 90% ugu tabarruci jiray dadka saboolka ah ee dalkiisa ku nool. Waxa uu diiday in uu madaxtooyada dego, baddelkeedana waxa uu ku noolaa guri uu deggan yahay oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkiisa, madaxtooyadana waxa uu ka dhigay meel lagu qabto shirarka, laguna qaabilo madaxda dalka soo booqaneysa.
José Mujica waxa uu ku socdaa gaadhi uu isagu leeyahay oo qiimihiisu yahay $2000 (Labo kun oo doollar), kaas oo la sameeyay 1987-kii isaga ayaana badana kaxeysta.
Waa 75 jir, 14 sannadood ayuuna xabsi ku soo qaatay. Waxa uu sidoo kale suuqa geeyaa oo iibiyaa ubax ay isaga iyo xaaskiisu beeraan.
Mar la weydiiyay sababta uu saboolnimada u doortay wuxuu yidhi “Anigu sabool ma ihi, Sabool waxaa ah kuwa wax badan u baahan. Dadkeygu badankii waa sabool iyaga ayaana i doortay waana in aan sidooda oo kale u noolaado”
Uruguay waa dalka labaad ee ugu musuqmaasuqa yar dalalka Koofurta America, wuxuuna sameyay kobac dhaqaale oo xooggan intii uu maamulayay José Mujica iyo madaxweynihii xilka uga horreeyay.
X/Gobanimo News