Abwaan maxamed Cali Dalmar
Xilliggaa wakhtiga lagu jiriyo xawli socodkiisa
Agoon xooleheedii la dhacay xoogna lagu haysto
Oo lagu xalaalaystayoo xiise loo cunayo
Ooy xaaji iyo sheekh wataan waa xujiyo yaabe
Nin xafiday salaadahan shantaa oo u xaadiraya
Oo aan xilligu dhaafi karin soona xarakeeya
Oon xumaanta kaga leexanayn waa xujiyo yaabe
Nin xaddiiska kuu marinayoo xugunka kuu sheegi
Oo aan xashiig kala duwnayn xarafta yaasiinka
Oon xaaraanba kaga waabanayn waa xujiyo yaabe
Run xayirantay been xiisaliyo xadhig la qoolaayo
Xaafaddiyo walaalahan is nacay xaajadaa murugtay
Xigtadaa aan kala geeri nixin waa xujiyo yaabe
Xoolohoo la kala qaato iyo xamasho mooyaane
Xubbigiyo wanaagii horiyo xiisihii dhimaye
Xididkaan macaaniba lahayn waa xujiyo yaabe
Xeer-beegtideenii horiyo xaajadii odayga
Xal ka gaadhi maayaan haddii guurti loo xulo’e
Kolba kii xisaab laha hayaa loo xaglinayaaye
Xaaraanta iyo booliday xaas ku koriyaane
Illeen xaakim laaluush yaqaan waa xujiyo yaabe
Xadhiggaa habeenkii la yidhi kii xidhaa fura’e
Xog ogaalna waa loo noqdaa xaajadaad galiye
Culimadan is wada xaasiddee kala xishoon wayday
Ninba xaashi soo qori kan kale lagu xumaynaayo
Kolley xubin qalloocdaa jirtoo waa xujiyo yaabe
Kolkaan xadhig magaalowkiciyo xaaladaha yaalla
Nin xalaal ku noolow yidhaah sooma xoogsada’e
Iyagoo xaglaha buuxsaday ribo xaraystaane
Ilaahay wuxuu ka xarrimaa xoolahooda ahe
Xabiibkiba ma warin naar inay kaga xoroobaane
Sidee bay xajkii ugu tagaan waa xujiyo yaabe
Hablihii xijaabnaa dharkay xoora yidhiheene
Ragga madaxa qaar xiirayaa xiisa loo korine
Alla kama xishoodaan naftana sooma xidhayaane
Xaqa waxay ka doorteena waa xeerka reer yurube
Niman yahaw xaggay nagu wadaan waa xujiyo yaabe
Anigoon xumaantooda rabin xaasidna u jeedin
Awal xooggu wuu jiri jiraye way xajinayeene
Waxa dumarka xoodaanta baray waa xujiyo yaabe
Xinjir qubatay meel lagu xarbiyay laysku wada xaytay
Xabbad iyo dil way dhici jireen lays xiniin jara’e
Waligood xisaabuhu ma tagin xaalkan oo kale’e
Maydkan aan xurmaba yeelanayn waa xujiyo yaabe
Madaxdaan xatooyada barteen xadhig ka yaabaynin
Een lala xisaabtami karayn xoogna kugu haysta
Baabuur xarrago loo watiyo xamastan ooyaysa
Xuquuqdii dadwaynaha kuwaa xaydh ku wada yeeshay
Raggaa xerada wayn ootayeen xeerba qabanaynin
Xiddigoodu wuxuu sheegayaa xamar wixii yiile
Kol hadday xinjiro qaad tihiyo xaabso waxaad doonto
Malaha xuudba xuud baa laqoo waa xujiyo yaabe.