Qormo Faaqideysa Cilmi-baaris muhiim ah
Maalin aad iigu weyn oo aan xusuusteyda ka go’i doonin ayay ii tahay labadii bisha 1aad ee gu’gan (02/01/2010). Maalintaas waxaan ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah qorayaal iyo barayaal Soomaaliyeed oo reer Sweden ah iyo Cilmi Baare Afka Soomaaliga raad goobiddiisa ku fogaaday oo la yiraahdo Caliqeyr M. Nuur.
Ujeedka kulanku wuxuu ahaa in buug uu qoray Ustaad Cali-qeyr la dul maro oo wixii fikir ah lagu biiriyo. Anigu waxaan filanayey buug caadi ah, sida in badan dhacda oo aan ka qeyb galo kulamo buugaag cusub oo soo baxaayo, la saxayo, laakiin buuggu wuxuu noqday mid raad igu reebay oo aan jecleystay inaan durba wixii i cajab geliyey u dul maro akhristayaasha, waxaanna xaqiijinayaa inaan dulmarkan aan ogolaansho u weydiistay Ustaad Cali-qeyr iina ogolaaday.
Buuggan oo magiciisu yahay “ABTIRISKA ERAYGA AF-SOOMAALIGA” inta aan dheehanayey qoraalladii la soo bandhigayey iyo fikradihii aan ka dhiibaneynay, wax badan kama aanan sixine isagaaba annagii sixiddiisa naloo ballamiyey na saxay baan oran karaa, gaar ahaan aniga wax badan ayuu ii iftiimiyey.
Waxa cajiibka ah ee aan buuggaasi kala kulmay ayaa waxay yihiin inuu xambaarsan yahay dhaxal muhiim ah oo umadda ka maqnaa loona baahnaa in inta la soo cilmi baaro, la saxar tiro, kaddibna lagu biiriyo manaahijta cilmiga ah ee dalka, si ubadka Soomaaliyeed u bartaan Afkooda hooyo iyo asalka uu ku qotomo.
Buuggu wuxuu gebi ahaanba u abtirinayaa erayada Af-Soomaaliga, wuxuuna soo bandhigayaa waxa ay ku fadhiyaan macne ahaan tirooyinka Soomaaliga, isagoo qoraagu sheegayo xiriirka ka dhexeeya tirooyinka Soomaaliga iyo roobka ama cimilada guud ahaan.
Buuggu wuxuu leeyahay Xeer sal u ah u abtiriska Erayga Af-Soomaaliga, xeerkaas oo si aad u sahlan qof walba oo buugga aqriyana si fudud u fahamsiinaya salka erayga Soomaaliga ah iyo abtiriskiisaba.
Ustaadka Buugga ku dhigay cilmi baaristiisa qiimiga badan ayaan la sheekeystay oo aan weydiiyey dhawr su’aalood, waxaanse idin soo hor marinayaa su’aashii ugu dambeysay ee aan weydiiyey maadaama ay saameyn badan leedahay.
“Maxaad ka faa’iideysaa inaad cilmi baarinstan intan la eg waqtigaaga gelisay”? ayaan weydiiyey, wuxuu iigu jawaabay. “Haddii buuggan iyo cilmiga ku qoran manaahijta dalka lagu daro, dadka Soomaaliyeedna ay maalmaha, bilaha iyo xilliyada ku adeegsadaan afkooda hooyo, waxaan isu arki doonaa qof umaddiisa wax u qabtay, oo wax dano dhaqaale ah kama lihi oo isma lihi xitaa intii kaa gashay baa kaaga soo noqon doonta”
Qoraaga dadaalka sanadaha badan waday, haddana soo bandhigay dhaxalka kumanaan qarni umadda ka maqnaa ayaa wuxuu hiigsanayaa oo kaliya in wixii uu maskaxdiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba isugu geeyey wax laga barto oo ay umaddu wax ku dheefto. Isagu inuu wax ku dheefo muhiimad badan uma lahan, bulshada teeda ayaa kala weyn tiisa gaar ahaaneed. Ee wacanaa walwaalidda danta guud.
Aan u soo dhaadhaco qoraalkeyga aan ku qalin daarayo buugga “ABTIRISKA ERAYGA AF-SOOMAALIGA” Buuggu wuxuu ka kooban yahay qeybo badan oo kala duwan oo ay ka mid tahay qeybta “180-ka eray ee asaaska u ah af-Soomaaliga”.
Sida ay soo saartay cilmi baarista uu Cali-qeyr ku sameeyey af-Soomaaliga, eray kasta oo Soomaali ah wuxuu sal ahaan ka kooban yahay hal shibbane iyo hal shaqal, eraygii intaas iyo wax ka badan ka koobanna waxaa loo qaadanayaa inuu ka kooban yahay laba eray oo isu tagtay.
Waxaan tusaale u soo qaadanayaa saddex qodob oo ka mid ah `Xeerka Abtiriska Erayga Af-Soomaaliga` aniga oo ku salaynaya abtiriska saddexda eray, sida uu buuggiisa ku dhigay cilmi baaraha. Waana qodobbada 1aad, 2aad iyo 4aad ee “Xeerka Abtiriska Erayga Af-Soomaaliga” ee uu Caliqeyr soo saaray. Waxaase xusid mudan in uu xeerkani yahay toban qodob balse aan halkan ku xusayno saddex qodob oo keli ah.
Saddexda Qodob Ee Xeerka Abtiriska Erayga:
1. Eray kasta oo af-Soomaali ah salkiisu waa hal shibbane iyo hal shaqal oo midoobay. Shaqalku haddii uu shibbanaha dibgale u noqdo waxay samaynayaan eray ‘tabane’ ah sida ba, ra, ma iwm. Haddiise uu shaqalku horgale u noqdo shibbanaha waxay samaynayaan eray ‘togane’ ah sida ab, ar, al iwm.
2. Hal shibbane haddii ay laba shaqal oo isku mid ah gadaal ama hore ka maraan waxaa shaqalladaas laga qaadanayaa hal shaqal oo keli ah sida aad oo noqonaya ad ama aal oo noqonaya al.
4.. Eraygii ka kooban laba shibbane ama ka badan waxaa loo aqoonsanayaa laba eray ama in ka badan oo midowday sida hab oo ka kooban (ha + ab), ama habar oo ka kooban (ha + ab + ar).
Laco qayb kale
Qore: Abukar Albadri, Stockholm.