Wuxuu yidhi Gooni:
• Rag cayaayir iyo maanso waa camaladiisiiye
• Caynaanka anigaa u haya iyo celiyaheediiye
• Kol haddaan calaqo looma furo cagaha dheeldheele
• Lix iyo tobon hal oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
•
• Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
• Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey
• Oo dhayi caaddaa ka tahay waa cajab ee sheega?
•
• Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
• Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin
• Aan naaso cayntood lahayd waa cajab ee sheega?
•
• Cir unkaday hilaac laga cabsaday karadh cabaadaysa
• Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab ee sheega?
Seyidkaa furay oo wuxuu yidhi:
• Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
• Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey
• Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajab Ilaahe
• Cid hadaad u baantee na tidhi cara e yaa sheega
• Candho weeye oo waa aqaan caynka ay tahaye
• Adse hadaad ciniin tahay maxaa canugu kaa dheefi?
•
• Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
• Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin
• Aan naaso cayntood lahayd waa cod aan jirine
• Caynkaa waxaad mooday waa calafkii beereed e
• War ceesaan miyaad tahay maxaa calaga kaa yeelay?
•
• Onkad iyo hilaac laga cabsado karar cabaadaysa
• Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab Ilaahe
• Isagaa calaamo iyo lahaa ciiro iyo qiiqe
• Waa maarahaan kugu cuskaday dirirtii Cowbaare
• Dhiigii carada qooyey waa cadar di’iisiiye
• Maxaadse u tidhi rays cagtiyo cidhibta maan saarin?!