Waxaan Weydiiyay, “Sidee ayaad ku indho beeshay, goorma ayaadse indho
beeshay”. Runtii jawaabta su’aashaas aad ayay ugu adkaatay Istar inay si
fudud uga jawaabto, anna wax aan filayay bay aheed’e, lama aanan yaabin
waxaan siiyay fursad ay ku hadasho, cabaarna waan u aamusay. Markii ay
waxooga aamusneyd ayay ayada oo madax ruxeysa, diidmana muujineysa igu tiri “..iih…maya Xamza, waan ku baryaa sheekadaas inaan guda galo ma rabo ee iga dhaaf, waa qiso xanuun badan runtii”.
kama aanan yeelin’e “inaad ii sheegto mooyaan’e gow iyo gash ma leh”, baan ku iri. Dood dheer kadib waxaan ku qasbay inay sheekadaasi ii guda gasho, iyadana waxoogaa way i qadarineysay’e, way iga ogolaatay.
Intaa kadib, ayaan inta fadhiga qaabeestay, labada sacabna labadeyda
dhaban ku qabsaday, aniga oo isku diyaarinaya dhageysiga Sheekadeeda,
markaasaan ku iri “haye ii bilow hee…”, inta ay “ok” iguu hadal gaabisay
ayay sheekadii daaha ka rogtay, ayada oo ku bilaabeysa; “Aabahay waxa uu
hooyadey guursaday, isaga oo aan waxba heysan, laakiin aad u niyad
wanaagsan, hooyo iyo Aabe, waxa ay isku guursadeen Jaceyl, si kastaba
aniga ayaa nasiib u yeeshay inaan noqdo mirihii ugu horeeyay ee
Jaceylkooda ka dhashay, inkasta oo laba kale ay iga daba mareen, markii
aan dhashayba Aabe Jaamac Dheere, dhaqaatiir ayaa uga digay in indhaheyga aysan wanaagsaneyn, laakiin digniintaasi Aabe waa uu iska dhego mariyay, wuuna fududeystay. Si kastaba markii aan noqday lix jir, ayaa la igu arkay indho xanuun, subaxii markaan kacayo, waxaan soo toosi jiray
indhaheyga oo isku dhegan, mana aysan kala fuqeyn ilaa biyo la ii
kululeeyo, oo la igaga meero, cadceeda iyo iftiinkaba waa ay i dhibi
jireen, oo maanan u adkeysan karin, indhaheyga waxa ay u guduudnaayeen
sida suugada oo kale. Marxaladdaasi waxaan ku sugnaa ilaa aan ka gaaro 12 jir, intaana Aabahay waa uu iga fekeri jiray, sii uu maalin uun u arko
indhaheyga oo caafimaad qaba, balse awood dhaqaale, ayaa dadaaladiisa oo dhan xanibay..een..een”.
Markii ay intaasi hadal ii marineysay ayaa mar qura indhaheedu ay ilin
ka soo hoobatay, oohin ayayna afka furatay, xaaladdaas anigaba way i
saameysay oo waan la ooyay, balse intaan safaleeti jeebka kala baxay
ayaan ilintii ka tiray. Waxaa aad ii farxad geliyay in markan aysan
gacanteeda iska qaban.
Intaa kadib ayaan ku iri “Istar caloosha xir, waa
laga gudbaa waxan’e, ee ii wad sheekada”, “waa yahay” inta ay tiri, ayay
halkeedii ka sii amba qaaday, ayada oo dhaheysa; “Markii aan 12 sano
gaaray, ayaan bilaabay inaan habeenkii wixii ka bilowda salaada maqrib
kadib aan araga lumiyo, xaaladdaas ayaan ku sugnaa ilaa aan ka gaaro 15
jirkeygii, markaasi oo ugu dambeyn aan arag oo dhan waayay, xitaaa
maalintii, waxaanse ku faraxsanahay markii aan saas noqonayay ay ku soo
beegantay dhowr bil un kadib markii aan dhameeyay dugsiga sare, taas
aabahay wuu u adkeysan waayay, hadii muddo hal sano ah, aan sidaaa ku
joogay ayaa 16 jirkeyga, waxa uu aabe raadiyay dhaqaatiir, laakiin waxaa
loo sheegay inuu jiro hal dhaqtar oo sanadkii mar yimaada oo nooca qaliin
ee aan u baahanahay kaligiis uun taqasus ku heesta, qarash badanna raba,
markaa kadib aabahay waxa uu go’aan ku gaaray inuu iibiyo guriga aan
leenahay, sii qarashka qaliinka uu ugu bixiyo, balse nasiib darro,
markiii uu go’aankaasi gaaray kadib, ayaa waxaa qabtay xanuun degdeg ah,
kaasi oo uu u geeriyooday, ana sidaas baan ilaa iyo hadda oo aan 21 jir
ahay ku indho la ahay”.
Markii ay sheekada ii dhameysay, ayaan inta labada dhaban sacabadii ka
qaaday ku iri “…ha ka baqin, waa ballan inaan howshii uu aabe qabyada ugu
tagay aan dhameystiro, ee niyadad kheyr u sheeg”, “waad mahadsan tahay”
ayay iyana iguu hadal gaabisay.
Kadib waxaan iska galnay sheekooyin guud oo caadi ah, ilaan aan waqti
kale ka ballano, oo aan is macsalaameyno. Habeenkaas aniga oo qalbigeyga
murugo ay buux dhaafisay ayaan gurigeyga dib ugu soo laabtay, markii aan aqalka dib ugu soo noqday, ayaan Hooyo, oo markaa deerka ku fiidsaneysay salaamay, waxayna ii sheegtay in qof uu ii yimid, “waayo qofka ii yimid Hooyo” ayaan ku iri.. “Waa gabadhii Hani ahayd ee adeer dhalay, oo aad isla shaqeysaan, alaab ayay kuu dhaaftay oo aan miiska kuu saaray” ayay
iyana iigu jawaabtay. Durbadiiba waan gartay inay tahay gabadha uu dhalay
agaasimahaa Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ee aan ka
shaqeynayay,ahna adeerkey aabahay la dhashay, waa gabar muuqaal
wanaagsan, iskana qurxoon, laakiin illaah uu ku ibtileeyay kibir iyo isla
weyni baas, ka faaloonteeda yaana waxba ku dheeraan’e, qolkii ayaan
galay, markii aan dharka iyo kabaha iska dhigay, ayaan eegay miiska, si
aan u arko alaabta ay gabdha ii dhaaftay, Baqshad, ayaa dul saarneyd,
inta aan soo qabtay, ayaan sariirteyda tul tagay waan furay si aan u
aqriyo, waxaana ay u qorneyd sidan