Xirfadaha lagaaga baahanyahay

Open book, fountain pen and glasses --- Image by © amanaimages/Corbis

 

Marka aad tahay qof wacyi galiye ah, waxaa lagaaga baahan yahay in aad lahaatid xirfad wacyigalineed, oo aad dadka daawadayaasha ah ama kuwa dhagaystayaasha ah ama kuwa akhristayaasha ahba aad wax kaga dhaadhicin karto.

Xirfadaha ugu muhiimsan ee kula gudboon, waxaa ka mid ah:

-In aad awood u leedahay ka hadalka meelaha shirarka ah
-In aad noqotaa qof hoggaan wanaagsan ah
-In aad noqotaa qof si fircoon wax u fuliya
-In aad tahay qof kalsooni ku dhalin kara dadka
-In aad taqaan qaababka hadalka loo sargooyo (Ujeedada uun looga hadlo)
-In aad taqaanaa sida dadka loo dhagaysto loona fahmo waxa ay dhahayaan
-In aad taqaanaa qaabka hadalka dadka looga soo saarto inta muhiimadda ah ee xiisaha leh
-In aad taqaanaa qaabka dadka loo soo jiito

 

Lahaanshaha xirfadahan aan soo xusnay waxaa loogama maarmaan ah in ay kugu dheehan yihiin sifayaashan soo socda:

-Dabeecad wanaag
-Daacadnimo
-Dabacsanaan
-Dulqaad IWM

Iska ilaali waxyaabahan soo socda, marka aad dad hortaagan tahay:

-Waa in aad ka fogaataa in aad hadalka kaligaa iska wadato imbadan
-Waa in aad ka fogaataa in aad u hadasho si isla wayni iyo kibir laga dhadhansan karo
-Waa in aad ka dheeraataa in aad matasho wax aadan ahayn iwm.

Sifaalahan soo socda u fiirso:-

-Daacadnimada
-Xidhiidh wanaagga
-Dhaxdhaxaadnimada
-Hawl-karnimada
-Dabeecad wanaagga
-Niyada wanaagga
-Dulqaadka
-Firfircoonaanta
-Dabacsanaanta iwm.

Sifayaashan oo dhan waa kuwo ka qayb qaata xirfadahaada wacyigalineed.