• Adduunyada haddaan nabadi jirin, lama nagaadeene
• Nal barwaaqo iyo dawladnimo, laguma naaxeene
• Ninna naallo raaxo leh hurdada, nuxudh ma seexdeene
• Meel nacabku dili ruux majiro, dib ugu noolaane
• Naxdin iyo haddii ay cabsidu, kuu nasiib noqoto
• Naftu waxay u carartaa kobtaan, nabar ku gaadhayne
• Nawnawle shaydaan hadduu, naarta kula doono
• Waa lays nabaa yaan iblays, nawle kuu tumine
• Aadamaha adduunyada ku nool, nin iyo naagtiisa
• Nabbi Aadam baa wada dhaliyo, nudaygii Xaawaade
• Nugliyeer iyo hubkoo laysku riday, naafac noqon waaye
• Naato iyo Waarsaba dagaal, nooge waayadan e
• Nuur Ilaah iyo xaqaan, naawilahayaaye
• Nolosha iyo neecawdu waa, duni nagaataaye
• War hooy nabadda xoogeeya, waa nuxudhkii diimeede
• Oo kale nastaaqanida iyo ka baxa, naafa kala jeedka
X/Doollo.com