Taariikhda Qadiimiga ah ee Degmada Eyl

 

Eyl : Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimisan Soomaaliya waxayna
leedahay Taariikh dheer

oo qarni ka badan. Degmadu waxay ka kooban tahay labo qaybood oo la kala yiraahdo Daawad iyo Badey. Daawad waxay ku taal biriga, halka Badayna ay dhacdo Xeebta badweynta Hindiya.

Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal waxaa ay aasaasantay qarnigii 19-aad dabaqaayadiisii, waxaana bilowgii qarnigii 20-aad xarun ka dhigtay Sayid Maxamed Cabdile Xasan, oo aasaasey qaybta Daawad ee degmada Eyl. Daawad waa daar ku taala Eyl oo ka mid ah qalcadihii Sayidku ka dhistey dhulka Puntland xiligaasi waxaana Qalcadda daawad dhismaheeda la bilaabay sanadkii 1900 iyadoo Injineerka dhisayna uu ahaa Injineer Yemeni ah kaasi oo la oran jirey Axmed Saalax Baajurayri, qalcada Daawad dhismeedu waxa uu qaatey afar sano oo xariir ah.

Injineerka dhisay Qalcada Daawad ee Degamda Eyl waxa uu ahaa nin Kaluumaysato ah oo doonidiisii kaga xumaatey xeebta Eyl isaga iyo Wiil uu dhalay oo la odhan jiray (Saalim Axmed Saalax) oo u socday markaas xeebta Mombasa ee dalka Kenya.

Taariikhda Saalim iyo Aabihiis Axmed Saalax waxaa ka sheekeeyey C/qadir Saalim Axmed Saalax (Baajurayri) oo dagan daawad isla markaasna ah faricii Injineer Axmed Saalax.
Cabdulqaadir Saalim waxa uu sheegay in Awowgiis iyo Aabihiis markii doontu kula xumaatey Eyl inay dhanka biriga u soo dagteen oo ay u yimaadeen dadkii Soomaaliyeed ee halkan daganaa waqtigaasi kadibna ay u gacan galeen Sayid Maxamed Cabdile Xasan oo ay Axmed Saalax ku heshiiyeen inuu u dhiso Dhismaha Daarta Daawad, kadina uu Sayidku Yemen u cesho Injineer Axmed Saalax iyo Wiilkiisa Saalim ee doontu kula xumaatey Eyl.

Daawad dhismaheedu waxa uu qaatey afar sano oo kaamil ah laga bilaabo 1900-1904. Injineer Axmed Saalax markii uu daartaas dhameeyey ayaa tii Alle ku timid, iyadoo lagu aasay Eyl. Wiilkii uu dhalay Injineerka Qalcada Daawad Sayidka u dhisay, waxaa gacanta ku hayay Sayid Maxamed Cabdile Xasan waxaana uu Saalim Axmed Saalax uu dagay Eyl isagoo gabar Soomaali ahna ku guursaday isla markaasna ku caruuro dhalay waxaana uu Saalim isna dhisay Qalcado dhawr ah oo ay ka mid tahay Qalcada Taleex ku taala.

 

Cabdulqaadir Saalim waxaa uu ka sheekeeyay in reer Saalim Axmed ay wali dagan yihiin Degmada Eyl oo ay guryo iyo beero ku leeyihiin ayna yihiin Soomaali, Cabdulqaadir wuxuu sheegay inuu ehelkoodii Yemen ka warhayo ama ay la xariireen waxa uu sheegay inay iska warhayaan oo walaalihiis qaarkood ay dagan yihiin Sanca isaguna uu tagay Yemen burburkii mudana uu soo joogay. Cabdulqaadir Saalim waxa uu intaas ku daray in qoyskoodu ay ka mid yihiin dadka qadiimiga ah ee ay Eyl ku aasaasantay walina dagan isagoo sheegay in Eyl aysan waligood ka guuri doonin oo cimilada ay ku nool yihiina ay tahay mid wanaagsan.

 

Cabdulqaadir Saalim ayaa sheegay in mihnadii dhaxalka u ahayd qosykooda inuusan waxba ka aqoonin isaga kaliya maahane dadka aabihiis dhalay oo dhan ayuu sheegay inaysan dhismaha wax ka aqoon. isagoo yidhi sidan:- “Walaahi mahayo waxna kama baran aabahay oo anigu nin yar ayaan ahaa markii aabe dhintey 1973 ayuu aabe dhintey laakiin waxa aan hubo ee aan sheegi karo waa in walaalahay aysan dhismaha wax ka aqoonin, burburkii inta lagu jirey mar aan tagay Sanca iyo Xadral mawt oo aan adeerayaal iyo ehelkii gaarey waxa la i weydiiyey wax ka mid ah su’aalo markii aan ku iri sida wax loo dhiso ma aqaan waxay igu yiraahdaan daayac ayaad tahay oo waad baadiyowdeen sidee dhaxalka qoyska u lumiseen” ayuu yiri C/qadir Saalim.

Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal waxay ku taal meel buuro iyo togog ay ku yaalaan oo togoguna ay biyaha toos ugu daraan badweynta Hindiya, Eyl waxay kaloo leedahay khaastan qeybta Daawad durduro dabiici ah oo biyuhu way iska soconayaan oo magaalada biyaha ay cabto waa dudur dabicii ah oo ilo biyo ah ay iska soconayaan. Eyl waxay leedahay Geedo aad u dhaadheer oo la sheegay inay qadiimi yihiin geedahaasi sidoodana aysan wax iska badalin. Dhismayaasha Eyl waxay waa kuwo qadiimi ah oo dhismayaasha qadiimiga ah iyo kuwa sanadahan dhow laga dhisay iskuma eka oo wayba kala dhisme duwan yihiin, waxaa ku yaal labada qaybood ee Eyl ee Daawad iyo Baday dhismayaal ay lahayd dowladii hore ee Soomaaliya oo sidoodii u xiran.

Marxaladihii ay soo martey EYL

Eyl waxay soo martey afar marxaladood oo kala ah marxaladii Sayidka oo aan ka soo sheekaynay, marxaladii Talyaaniga, Marxaladiii dowladihii Soomaaliya iyo marxalada burburka. Sayid Maxamed Cabdile Xasan gadaashii, Eyl waxaa saldhig ka dhigtey gumaystihii talyaaniga waxaana uu dagay xarumihii Sayidka sida Qalcadii Daawad, qalcadan ayaa Talyaanigu waxa uu ka dhigtey Saldhig boolis iyadoo laga helayo haraadigii buugtii faldanbiyeedyada lagu qori jirey, kadib markii xornimada la qaatey waxaa isaga danbeeyey Eyl dowladihii Soomaaliya waxaana ka dhisan dhismayaal dowladeed oo sidoodii u yaala oo aan waxba laga badalin, tusaale ahaan guryihii dowladdu ka dhistey dhinaca Baday ee danwadaagihii waa tabtoodii oo qufulo ayaa ku jabsan lamana jabin waxna lagama badalin. Burburkiiina Eyl waxay xaaladeedu wax la qabtey tan dalka intiisa kale walow ay u dheerayd xaalado burcad badeednimo oo degmadu ay in mudo ah la tiicaysay iyadoo hada ay ka soo kabanayso hayeeshee wali raadadkoodii waa muuqdaan.