Qayb ka mid ah taariikhdii mataan ciideed

Goor harsimadii ah, isaga oo geed hareeri ah harkiisa barbaar kula shaxaaya oo midigtana saalada ku xabbad-qaadaaya, bidixdana labadiisii waran ku haysta, gaashaankuna uu dhinac yaal ayaa niman socoto ahi ‘salaamu-calaykum’ kaga naxsadeen…

Waa nin dhiilleeysan oo uun door ah godobtooda hayee, intuu boodey oo warmihii iyo gaashaankii hagaag u qabsadey ayuu nimankii degdeg u heybsadey…

Markii ay isu sheegeen oo uu gartey ineeysan colaad ugu socon ayaa la is wareystey…

Waxeey habeen hore ku hoydeen aqalladii Reer Ugaas iyo rugihii Faarax Afey iyo Nuur-jiir ay ka talinayeen ee ay Salaadona joogtey…

Waxeey goobtii ka sheegeen, wararkii ay Mataan siiyeenna ugu darraa Buraale Ugaas Muxumad inuu Salaado soo dooney, lana siiyey…

Nimankii buu hadalkii ku celiyey oo mar labaad ka hubsadey, mar saddexaadna ka saxsadey…

Sidii nin cirku ku soo dumey ayuu socotadii iyo raggii uu geedka kula shaxayeyba ugu muuqdey…

Warmihii buu dhawrey oo sidii nin maantadan loo tumey gaashaankii u milicsadey…

Sidee buu, adiga oo jooga, uu Salaado nin kale u haweeysan karaa?…

Su’aashaas buu hoos ahaan naftiisa u weyddiiyey…

Isla markiibana, go’aan buu, si degdeg ah, halkii kaga dhawaaqey…

Wuxuu yiri:- Intiinna geedkan joogtaay, dhegeysta…

Dadka Ciideedow u dhug lahaada oo waxa aan idiin sheegayaa yeey fudeyd idinku dhaafin…

Kii joogoow, kan maqan gaarsii:- Salaado, aniga oo ifka ku nool, nin kale ma geeyo!…

Naagta mar uu magaceygu ku yeeray, sidee beey aqal nin kale uga soo toostaa?!…

Naagta aan boqoradda geyiga Ciideed uga dhigey ee anigu aan Salaado-ciideed ula baxey, dadow yaan loo hanqal-taagin oo ninowna ineey carruur kuu xanbaarto shaarubbada ha u duugin!…

Nin dhiirranaa oo geedka wax ka fadhiyey ayaa yiri:- Oo Mataanow, soow tii jiilaalkii dhoweeyd la lahaa Salaado wuu furey?…

Wuxuu ugu jawaabey:- Shalay ma furin, maantana furi maayo, haddiise xataa aan furo halkee buu ku nool yahey ninka guursan karaa oo naag kol meher iigu dhacey iiga dambeyn karaa!…

Rag allow, gardarro iyo kibir ka qaab daran ma loo soo joogey?!…

Abwaankii jifada u ahaa, Axmad Muxumad Xirsi, ayaa go’ankii iyo warkii Mataan-ciideed loo sheegey, kolkaas buu yiri:- Xasan-mataan, wixii Eebbe ku abuurey weli ma dhicin!…

Warkii baa geyiga Ciideed daaf walba u qaadey…

Wixii wax-garad ahaa oo dhammi waxeey yiraahdeen, seeyga iyo ooridiisu inteey kala tagaan, soow tii uu midba reer labaad yeelan jirey?…

Sow tii aan, furriin dabadi, xasaradi dhici jirin?…

Maxaa Salaado ku goonni ah oo ay kaga duwan tahey dumarka uu nin furo, dabadeedna uu mid kale guursado?…

Ninkii su’aashaas ka jawaabey wuxuu yiri:- Salaado goonni ma ahee, Mataan baa goonni ah…

Waa nin maskaxda ka gashadey geyiga Ciideed iyo inta ku noolba inuu Eebbe-weyne isaga ku xuddumey!…

Hadduu ahaa, xumaan mooyee, nin aan dubaaqiisa samo ku soo hoyan, maxaa u diidaya inuu maalin noolba wax lala yaabo la gole-yimaado?…

Yaa arkey oo maqley nin haweeneey furey oo yiri:- dabadey lama guursan karo!…

Raggii jifada u ahaa ee go’aankiisu uu la qalloocnaa ayaa waano isku deyey, ha yeeshee waano abuur baa ka horreeysey…

Waalid buusan maqlin, guurti baan wax u sheegi karin, waano culimmo ayuu dhegaha ka furaystey!…

Qoyskii Salaado ka dhalatey oo taladiisu tahey in afartii neef xasan-mataan loo kaxeeyo ayuu warkii gaarey…

Rag iyo dumar, wixii maqleyba, caro ayaa dig siisey…

Tol beelaye, Xasan-mataan miyaan rag loo laheyn?…

Ayeey dumarradii ku geesaaseen…

Awel hore raggii nabadda ka talin jirey weey badnaayeene, hadda weey soo tiro yaraadeen tan iyo maalintii la maqley hadalka Mataan ka soo yeerey…

Waxaa loo batey garadarro wixii kala soo gudboonaadey ineeysan tanna ku dari karin, uguna dul-qaadan karin…

Faarax Afey mooyee wax waan-waan nabadeed rajo ka qaba ayaa beeshii laga waayey…

Guuldarrada colaadda ayuu war u hayey, wuxuuna ahaa waayo-arag tabaalaha dirirta dhab u yaqaan…

Wuxuu isku hawley dhiig daadan doona inuu baajiyo…

Wuxuu ku taliyey, Bahdayeey, Mataan-ciideed hadal baa ka soo yeerey oo la inooga keenaye, aynu run ku sugno…

War jiraaba Cakaara ayuu imaane, yeeynaan innagu colaadda bilaabin, sidaasna eedda ku yeelan…

Warka soo yeerey haddii uu dhab yahey isaga ayuun beey laan-deyri la duuliye, aan koranno oo nin fududi waa fadaqe, markii ay habboonaato wixii uu Mataan inagu faley aynu ka gar’alleeyno…

Waxeey aheeyd waano waayeelkii soshey, hase ahaatee aan dhallinyaradii qaboojin…

Dantii uu Faarax ka lahaana waxeey aheeyd laba wiil oo jifadiisa ahi inteey israacaan ineeysan Mataan raadsan oo bartamaha reerkooda ku dilin…

Dhiig sokeeye ‘baaji’ ayuu islahaa…

Adduun la ismaqli jirey oo garcaddaayada laga dambeeyey ayuu ahaaye, Faarax iyo odayaashii talada ku raacey taas weey ku guuleysteen oo da’yartii cartamaysey weey u caqli-celiyeen…

Ha yeeshee, addin baa laga ballamaye, af lagama ballamin…

Barbaar ay Salaado ilmo-adeer ahaayeen oo ineey Mataan kala sed-qaadaan ugu horreeyntiiba ku tashoonaa, odayaashuse ay tashigiisii ku baajiyeen ayaa tiriyey gabey digasho iyo dhaarba isugu jira…

Digashadu waxeey daarran tahey afartii neef oo Feyd ku jirey inuu ka hayo, Salaadona ay ka furan tahey, dibna aannu xilo iyo xoolo xaggooda uga sugeyn…

Dhaartuna waa inuu dili doono indhaha markuu saaro…

Wuxuuna yiri:-

Sidigtii Falleedh iyo haddii Feydba lagu dhaafshey
Inantiina kaa furan tahey wallee faydo kuma raacin
Inaanse kaa ‘fash’ siin baa sidii faral Ilaahey ah!…

Gabaygaas oo intaas inuu ka dheeraa ay hubanti tahey ayaa Mataan loo keenay…

Qosolkii isla-weynida ayuu ku dhuftey…

Wuxuu ka yaabey inanka gabyey dhiirranaantiisa…

War show Ciid rag baa weli ku nool ayuu is yiri…

Wuxuu is-weyddiiyey…

Tolow, ina-ayuu ahaa, wiilka kuu dhaaran karaa?…

Inaan kaa ‘fash’ siin baa sidii faral Ilaahey ah…

Wiilka gabeyga ku darey ma doqon baa?…

Ma dal dheer buu ka yimid?…

Ma wuusan aqoon kuu laheyn?…

Ma naftiisa ayuu nacey?…

Ma tol iyo cid la talisa ayaanu laheyn oo waxaan xigto loo ogeyn?…

Maalintii uu tixda maqley maalintii ku laba aheyd ayuu geedkii shirka yimid, isaga oo fardihiisii midkood ku jooga…

Raggii fadhiyey kolkii ay arkeen sibraarka uu caanaha geela ka buuxsadey iyo qalabka sengaha u saaran ayeey garteen in sodcaal ku jiro, waxna uu maaggan yahey…

Mataanow, halkee baad boqoole u tahey…

Markii la weyddiiyeyna wuxuu ku jawaabey inuu u socdo reerihii ay Salaado ka dhalatey, ayna joogtey…

Wuxuu ku darey, In la i dili karo iyo in kale ayaan soo hubsanayaa!…

Amankaag iyo af-kala-qaad baa lala kala jeestey…

Yaab baa raggii oo dil hadal kala soo bixi waayey…

Nin laga quustay buu ahaaye, waayeelladii wax waano ah uma ay soo jeedin…

Hase ahaatee, faraskii kolkii uu jeediyey oo naadigii ku dhuftey ayaa kurey da’ yari ku yiri:- Mataanow, maxaad Reer Ugaas ka dooni?…

Wuxuu ku jawaabey:- Melagge baa ku galey!…

Barqadii dambe kolkii ay aheyd ayuu reerihii ku soo baxey…

Meel kale kuma uu leexane, aqalkii Salaado ku jirtey oo uu soo tilmaansadey ayuu beegsadey…

Geed ku yaal aqallada duleedkooda ayeey qaafadii Reer Ugaas ku shireeysan tahey… ‘

Wuu arkey, kumase uu leexan…

Wuu garab-marey…

Waa la milicsadey ninka meesha maraya, waana la toydey…

Wuu hagoogan yahey oo afka ayuu taagayaa…

Labadii waran ee xaasowda lahaa, kal horena Bulla-xaar laga soo gadey ayuu isku garaacayaa oo ‘dhalow…dhalow’ kaga siinayaa! Cali-dhan, Nuur-jiir, Faarax Afey iyo raggii kaleba durba weey garteen ninka garab-marey ee aqallada ku socdaa inuu Mataan-ciideed yahey…

Faarax Afey mooyee, in alla intii geedka fadhidey ayaa warmihii boobtey…

Indhaha ayaa lala sii raacey…

Aqalkii Salaado ku jirto oo uu soo tilmaansadey ayeey saantiisu u jeeddaa…

Qoor iyo xero ‘dalaq’ buu yiri:- oo sidii nin ay naagi u joogto kalsooni ku galey…

Taasi haddeey dhacdey, ma weesaa dhawran?…

Niman mar afar lagu sheegey, marna shan lagu sheegay oo Cali-dhan ku jiro ayaa isku mar kacey oo qalabkoodii qaatey…

Mid walba hubkiisa waxaa ka mid ah hooto dhegaley ah…

Sidii lagu yiqiin, Faarax Afey ayaa isku dayey maantana inuu baajiyo dhiig sokeeye oo lama huraan loo wada arkey…

Raggii gedoodey ayuu damcey inuu qaboojiyo oo umalkooda uu biyo ku dul-daadsho…

Wuxuu ku yiri:- Ilmo-adeerrayaalow, wiilkaasi dhiil buu luliye, yaan lagu dayan oo habi la’aantiisa loo raacin” Moogganse taladiisii lagama yeeline, waa laga diiday…

Shantii nin oo hootooyinkii ka horreeyaan ayaa aqalkii Salaado ku jirtey soo hor-joogsadey…

Ma gelin oo aqallada gabdhaha in la galaa ceeb beey aheyde, ardaaga ayeey ku hakadeen…

Salaado oo hubsatey in la kor-joogo oo uusan Mataan maanta baxsaneyn ayeey naxdini ku dhammaatey!…

Ma waxeey naceysey in aqalkeeda dhiig ku daato?…

Ma waxeey diideysey in daraaddeed la isku dilo?…

Ma Mataan beey rajo dambe ka qabtey?…

Sababta ma naqaan, ha yeeshee waxeey ku dedaashey ineey bed-baadiso…

Wax la yiri:- markeey ogaatey in la dul-joogo ayeey ku tiri:- Mataanow, labadeyda lugood dhexdooda meel aan aheyn oo aad maanta ku baxsan karaysaa ma jirto!…

Wuu ku qoslay oo ku yiri:- waad i caayeysaa ku yiri:- Qalabkii uu sitey ayuu haab-haabtey, iyana inteey daahyadii aqalka isku qabatey ayeey shantii ardaageeda taagneyd ka baridey ineeysan aqalkeeda soo gelin…

Waxaad mooddaa ineey ka yeeleen, Mataan beeyse ‘halkaaga ku jir’ ka la’dahey…

Intuu gabadhii dib u dalfiyey oo raarta aqalka ku tuurey, daahyadiina dhulka soo dhigey ayuu yiri:- Salaadooy, ma aniga iyo wiil Ciid joogaa la kala qariyaa?…

Bax’dii uu yiriba:- hooto xiiri baa naaska kaga dhacdey…

Tii labaad baa garabka dhexdiisa kaga dhegtey…

Mid saddexaadna xiidmaha ayeey dhex-xushey…

Waa lagu boobey oo halkii uu ku dhacey iyo aqalka kaadkiisa ayaa lagu kidfey…

Markii ay ka sii baxaysey waxeey shantii ka soo sheegeen inuu lahaa, “Haddaan hooyaa! oo uu ula jeeday:- in la i dili karaa hadda uun beey ii caddaatey!…

Hadalkii kale ee laga maqley, uguna dambeeyey isna wuxuu ahaa, Ilmo-adeerrayaalow, kolley i dishe’e, timaha ciidda iiga celiya, yaan gabdhaha Ciideed
tuurkeyga oo carro leh i soo dul-marine!…

Codsi laga yeeley ayuu noqdey…

Abwaankii jifada u ahaa, Axmed Muxumad Xirsi, ayaa loo warramey, laguna yiri:- Mataan-ciideed nimankii uu la xididey ee ay Salaado ku colloobeen ayaa diley oo cadba mar gooyey…

Kaatunkii uu qabey lagama bixine, inteey fartii gooyeen ayeey xaggii birtu halakeeysey dib uga siibeen!…

Axmed Muxumad markuu cabbaar aamusnaa ayuu yiri:- Wixii aan idiin sheegi jirey ee Xasan-mataan Eebbe ku abuurey waa waxa maanta dhacey!…

Dharaartaas baa la gartey weedhiisii aheeyd:- Xasan-mataan wixii Eebbe ku abuurey weli ma dhicin ee uu ku celcelin jirey markii falal silloon looga soo tebiyaba…

Wuxuu ahaa aayaha kibirka nin yaqaan oo ay waayuhu bareen is laweynida iyo uunka oo lagu tunto inaan wanaag laga filan karin, looguna irkan karin…