Wuxuu leeyahay qofkii soomaali wanaageeda doona ayay ugu daran tahay, wax baa ka jira ma is tiri?
• Qorrofyada markii lagu jiriyo qarandi buulkeeda
• Qunbe subag ah waan heli karriyo qaab dhite ahaaye
• Qabaal xuukiyaan buuxsannoo taa qarka u yaale
• Qalwaan ramadka uga seexaniyo qaadhkii naylaha e
• Qadhoon baan dudada tiirsaniyo geed quwaax adage
• Qansax lama maraanaan degniyo hawd qar oodan ahe
• War qooq iyo hurdada dheer intaan qaalmo rogonaynay
• Gaajadii qunkeed xoogsatayee qirada weynaatay
• Dhulkeenii qoslaayey liqdiyo quruxda waagaase
• Qanjidh iyo qanjaafuro liqdiyo seed qawaawir ahe
• Badhkeen qanac hayeeshee dadaan quusan baa jira e
• War quruxdeena kii daydayuu qaxar ka haystaaye
WWW.DOOLLO.COM