Alle ha u raxmee, Sayidka iyo qayb ka mid ah gabaygiisii culusaa ee Ba’aye yawsheega.
• Basar iyo wanaag haybadliyo, booddo iyo fuulmo
• Beder iyo kabtiyo raaxo iyo, buubsi iyo weerar
• Inaan baqal faradaha gaadhahayn, ba’a ee yow sheega
• Hadday baatir geel kuu dhashoo, baaqimaad noqoto
• Barooddada big caanood haddii, biidna laga waayo
• In billaawe lagu soo xafsiin, ba’a ee yow sheega
• Lo’da beydideed waa hadday, baraq u joogtaaye
• Barqimaha gugii baa xumbada, laga budhsiiyaaye
• Buqbuqoodka iyo ciirtu waa, beri samaagiiye
• Boggan wuxuu insaarixin intuu, baarta cunayaaye
• Jiilaal barraahsaday sacii, balafyey weyshiiye
• Ninkii baqar lahaa waa hungee, ba’a ee yow sheega
• Dameer laba buqlood lagu raree, lagu baqoolsiiyey
• Bukuuraha xunbuu moodayaa, buur inuu sido e
• Inaan bacadle awr lala simayn, ba’a ee yow sheega
Doollo.com