Haddii aan sidaa ahaa ayaamo oo fekerkii iyo isla hadalkii Istar igu sii batay, ayaa waxaa ugu dambeyntii igu dhashay, wax aan marnaba fileyn inay dhacayaan ama ay qalbigeyga ku dhalan doonaan kuwaasi oo ahaa inaan bilaabay rabitaan aan u qaado gabdhii Istar ahayd. Xaalka maalmihii ugu horeeyay waxa uu igu ahaa mid bilow ah, waxaana isku dayay inaan is xakameeyo, balse taasi waa ay ii noqon weyday, waxaana maalinba maalinta ka dambeysay igu sii kordhayay rabitaankii ilaa aan ka gaaro heer aan is tuso in qof aan ayada ahayn uusan nolosheyda kaafin karin.
Aniga oo xaaladdaasi ku sugan, ayaa waxaa igu yimid kullankii aan ku ballansaneyn aniga iyo Istar, waxaana kullankaasi uu u dhacay si ka duwan midkeenii hore, waayo midkan waxa uu noqday mid aamusnaan iyo xishood ku dhamaaday, waayo Istar markii hore ayayba xishoodka isaga dhalataye, anigii ahaa qeybiyaha Sheekada, ayaa howsheydii gabay. Intii lagu guda
jiray kullanka, dhowr mar ayay I weydiisay waxa igu dhacay, waxaanse ugu hadal qariyay in waxooga uu madaxa I xanuunnayo. Hadii sheekadii ay habeenkaasi sidaa iyo caajis ku dhamaatay ayaan isaga soo tagay, aniga oo markan dheereestay kullankii xigay oo aan u qabtay 10 cisho kadib, si bal aan ana isu soo dejiyo.
Xaaladeedii ayaa sii cakirantay, waxaana intaasi ii sii dheeraa culees aan kala kulmayay dhinaca Hani. Mar walba oo aan shaqada isku aragno, gees ayay iila bixi jirtay, ayada oo weli iga rajo qabta, balse waan ku gaacan seeray, ilaa ay iskeed isaga quusato. Xitaaa ballan qaadyo dhinaca
dallacsiinta ah ayay I siisay ayada oo dhaheysa anaa aabe ka soo dhameynaya, balse warkaas waan iska dhego mariyay.
Maalmo hadii ay xal iyo dabacsanaan wax iiga raadineysay, oo ay ku fashilantay ayay bilowday shaqadeedii kibirnimo, mar walba oo aan isku aragno xarunta shaqada, wejigeeda waxaaan ka dheehan jiray caro xoogan iyo inayba ku qanacsaneyn xitaa inaan Wasaarada ka sii shaqeeyo. Waxay xitaa bilowday inay igu dhax ceebeysato shaqada, waayo waxay inoo ahayd madaxa shaqaalaha, markii shirarka guud ee shaqaalaha la isugu yimaado ayay qeylo iyo canaan dhegaha iiga shubi jirtay, ayada oo ka faa’iideysaneysa dabacsanaanteyda iyo shaqo gabis igu timid, markii aan rabitaanka u qaaday Istar. Waxba igama aysan dhibin cadaadiska ay I saartaye howsheydii ayaan kasii watay.
Cadaadiska dhinaca shaqada ee igaga imanayay Hani iyo hamigeygii ku wajahnaaa Istar ayaa nolosheyda ka dhigay mid jahwareersan oo feker iyo sla hadal uun ku dhisan. Waxaa is beddelay hanaankii nolosheyda iyo dabeecadaheyga oo dhan, waxaana xaaladdaasi ku sugnaa maalmo badan. Rabitaankii ayaa igu sii xoogeystay, waxaana dareemay inaan Jaceyl u qaaday Istar, waxaanse qabay cabsi xoogan oo ku saabsan sida aan nolosha u wadaagi karno iyo sida waalidkey ay ku ogolaan doonaan in qof ceynkaaasi oo kale ah oo Indhaha la’ aan nolosha la wadaago, aniga waxaasba iima muuqan, oo Jaceyl iyo sida aan wax uga garanayay bani
aadannimada ayaa I ilowsiiyay, laakiin waxaan aad u ogaaa in caqabad ay igaga iman doonto dhinaca waalidka siiba dhinaca Aabe, oo ahaa nin aad uad adag oo badanaaba jecel in sida uu isaga rabo uun la yeelo. Si kastaba cabsidaasi iyo cadaadiska aan filyay inuu Aabe I saari doono igama aanay reebin damaceygii Istar galay, waayo waxaan aad ugu rajo weynaa in
caafimaadka indhaheeda xal loo heli doono, hadii qarash badan lagu bixiyo taasina aad ayaan ugu kalsoonaa inay dhici doonoto. Jaceylka ayaa igu sii kordhay, waxaana aan gaaray heer aan meel kasta oo aan joogaba aan sawirto muuqeeda. Habeenkii markaan gama’ is iraahdaba,
ayadaa iga soo hurmuuqan jirtay maalinkiina isla hadal ayada ku saabsan ayaan naftayda ku maaweelin jiray, quruxdeeda iyo xishoodka rabi hibada u siiyay ee dabeecadda lagu sii kordhiyay ayaa ahaa wax mar walba sare u sii qaaday Jaceylka aan qalbiga ugu hayay.
Ayaamo hadaan sidaa ahaa ayaan go’aan ku gaaray inaan u sheego sida aan u Jeclahay uguna hami weynahay, waxaanse dareemay cabsi ku saabsan sida ay taasi ku dhici doonto iyo sida ay igu aamini karto, waayo Istar maba aysan rumeysneyn waa lagu jeclaan karaa oo waxa ayba ahayd qof goor hore
kalsooniadii nafsi ahaaneed ay ka lumiyeen Indho beelka ku dhacay. Calaa kuli xaal, anoo adeegsanaya farxadda yar oo aan tusiyay iyo kalsoonida aan geliyay maalmihii aanu is garaneyn, ayaan cabsidii meel iska dhigay, aniga oo isku diyaariyay in kullanka ugu soo horeeyay ee na dhex mari doona aniga iyo ayada aan ugu sheego in qofka qalbigayga ku weyn, laabteydana qaboojin kara ay ayada tahay…