Facebook-ga waa howlbadanyahay waxkasta isagaad ku arkaysaa, qof fiican iyo qof xunba. Waa meel aan si fudud qofka heybtiisa lagu soo heli karin xitaa hadaad aqoonsato muuqaalka hortaadda yaala.
5000 kun ee kugu jirta friends kaaga waxaa suuragal ah inaadan xitaa 50 kamid ah si fiican aadan u garaneynin, sababtuna waxay tahay dadkii oo qofkastaaba sawirkii uu rabo saartay profilekiisa.
Ikastoon horay uga qornay warbixino badan dhibaatadda facebookgu leeyahay haddana waxan idinla wadaageynaa sheeko ay noosheegtay gabar kamid ah aqristayaasheena oo ahayd sidaan:
Waxaan ka shaqeyn jiray meel caafimaad oo ku taala Magaaladda Nairbi, intabadan waxaan facebookgeyga soo galin Jiray sawiradeeyda anigoo xiran Dharka Caafimadka ee cad cad si fiicana looma arki karin wajigeyga maadaama Mobile aan sawirada isaga qaadi jiray.
Aniga shaqsi ahaan waxaan xiranjiray Jilbaabka Nooca soomaaliya lagu toli jiray ee aadka u adag una cuslaa. Maalin baan sawir isaga qaaday anigoo Jalbaabkaasi xiran wajigeyga kali ahna la arkaayo, kadibna waxaa soo galiyay Facebookga.
Mudo laba bil ah ayuu ku jiray waxaa kali ah oon helay hal like iyo hal comment oo uu bixiyay nin iila muuqday in uu yahay wadaad, cid kale kama hadlin.
Mudo kadib ayaa waxaan soo galiyay Sawir kale oo aan xiranahay dirac nooca bacwaynaha loo yaqaano ah, isla maalintii aan soo galiyay habeenkeedii ayaa waxaa ka hadlay in kabadan 20 comment iyo like oo dhamaantood wiilal wada ah midkastana uu sheegayo inaan aad u qurux badanahay.
Qaar inboxka fariino iigu soo diray waxay ilahaayeen baayo aadbaad u qurux badan tahay.
tolow quruxdu ma in jirka laarkaa.
Haddaba markaad qisadaasi aqrisay ma kuu soo baxaysaa ciwaanka qormadeenaan in qaarkamid ah maahan dhamaantood ay gabadhaha ku dhiiri galiyaan in ay sawiradooda oo qaawan ay soo saartaan Facebookga si ay like badan u hesho.
X/Aljazira online post