• Ma dumaalo naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaane
• Dayib uma yidhaahdaan jeeroo, hawli daashado e
• Nin walaalkii doorsaday Ilaah, derejo siin waaye
• Dalkaad Ina-adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye
• Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane
• Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye
• Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne
• Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye
• Adna gabayga waad nagu danqiye, daacaddii maqane
• Dubkaa nagaga kaa yaal, haddii lagugu deyrshaaye