Daraasad Cusub: Oohinta iyo taaha oo la ogaaday in ay xanuuka bukaanka hoos u dhigaan

 

Daraasadan cusub waxay tilmatay in dadka bukaanka ah aan laga joojin taaha, loona daayo si ay isaga maaweeliyaan xannuunka haya.

Taaha iyo oohinta uu sameeyo marka qofku dhaawac soo gaadho ama uu bukoodo, ayaa la ogaaday inay hoos uga dhigaan xanuunka, maskaxdana ka hor istaagaan in ay gaadhaan farriimaha sheegaaya in qofkaa damqanaayo sida ay  iftiimisay cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda Singapore.

Cilmi-baadhayaal hore waxay soo jeediyeen in taaha ama qaylada kala duwan ee bani’aadamku sameeyaan marka ay khatar ku jiraan ama bukaan ay ka qaboojiso xannuunka haya.

Daraasadan cusub waxay tilmaantay in dadka bukaanka ah aan laga joojin taaha, loona daayo si ay iskaga maaweeliyaan xanuunka haya, isla markaana aanay maskaxdu u dareemin in qofku damqanayo.

Cilmi-badhayaasha oo ka socday Waaxda Cilmi-nafsigga iyo barashada Neerfaha ee Jaamacadda Qaranka Singapore, ayaa sheegay in codadkan ay dadka ka yareeyaan baaxada xanuunka ama garaaca haya waqtiga ay dhaawacmaan ama bukoodaan.

Dadka lagu tijaabiyey oo 56 qof ahaa, ayaa loo ogolaaday in ay tahaan ama sameeyaa codka “ow”, gaar ahaan marka ay dareemaan xanuun, waxaana ka soo baxday in dadkaas ay xanuunkii ka yaraado marka ay taaha ama qaylada sameeyaan.

“Waxaannu ogaanay in dadku xanuunka dulqaad u yeeshaan marka ay sameeyaan codka taaha, waxaanu helnay in codka “Ow” ee oohinta ah, marka ay dadkii daraasada laga qaaday sameeyeen xanuunkii hayey dulqaad u yeesheen,” ayaa lagu yidhi daraasada.

Hore ayaa daraasado kale oo cilmu nafsi ah u shaaciyeen in qofka ciilka hayaa aanu caloosha ku qaran ee uu sii daayo waxa calooshiisa ku jira, waxaa ayna ka digeen in wax la qarsado ama la is ciilkaambiyo, taasoo ay tilmaameen in keento dhaawac maskaxeed iyo mid jismiba.

X/Gobanimo news agency