Dabadeed anigii waan isaga tagay, waxaana aaday Hotelka- Curuba ee
magaalada Muqdisho, si aan halkaasi ugu sii noolaado intii aan ka
diyaarinayo safarkeyga UK aan ku aadayay.
haddaan hotelka maalmo deganaa, ayaa la gaaray waqtigii bixitaankeyga,
kadiba dalka Ingiriiska ayaan dib ugu laabtay, halkaasi oo aan nolol
cusub ka bilaabay, waxaan dareemay inaan hadafkii ugu weynaa ee
nolosheeda oo ahaa guurka Istar aan ku fashilmaty, waxaana kadib iska
galay wax barasho aniga bilaabay Machadka London School of Economics.
Dhowr sano, ayaa ku sugnaa nolol ceynkaasi ah oo wax barasho un ku
kooban. mudadaasi waxaan ku gacan seeray codsiyo badan oo ii yimid,
kuwaasi oo ku saabsanaa gabdho doonayay inay nolol ila abuuraan, si kasta
oo ay isugu dayeenna way ku daaleen inay qorshahaasi iga dhaadhicyaan.
Muddo saddex sano ah hadaan xaalkaa ku sugnaaa, ayaa maalin dambe waxaa
isoo wacay, wiilkii saaxiibkey ahaa ee Asad, oo subaxii aan isaga u
socday markuu USA u dhoofayay, si aan u u dhoweeyo aanu is baranay
qaalideydii Istar, markuu igala soo hadlay gobolka Virginia, USA, waxa ay
ila noqotay arrin aad cajiib iila ah, waana siisan waayay, waayo markaan
Somalia kasoo tagayay ayaa xiriir na isugu kaaya dambeysay, anna waanba
iska ilaaway oo noloshii hore oo idil baanba ka haajiray, markuu telefoon
gacmeedkeyga igala soo hadlay, oo uu isku key sheegay, waan iska
ilmeeyay, waayo, waxa uu ahaa saaxiibka ugu wanaagsan ee aan dunida ku
lee yahay haddana aan xiriirkiisa gooyay, “Asadow, sidee ayaad
telefoonkeyga ku heshay” baan ku iri, markaasuu inta qoslay igu yiri “soo
adiga gabdhihii dhan nacay, gabar ku rabtay oo aad diiday baan
telefoonkaaga kasoo helay”, “wax dhici kara maahee, iga dhaaf cayaarta,
ee wax ii sheeg”, ayaan haddana iri, kadibna waxa ii igu yiri “Gabr Deeqa
la yiraah, oo aad macahdka wada dhigataan baa maalin igu tiri jaceyl baa
i haya, oo wiilkaan jeclaa ee Xamza Xaaji ahaana i diid, markaan wareysi
dheer la yeeshay kadibna waxaan ogaaday in qofka ay ka hadleyso uu
Xamzaheygii yahay, saasaan teelfoonkaaga uga qaatay, waa gabar aan
qaraabo kore nahay oo aan mar mar is wacno”.
Intaa kadib aniga iyo saaxiibkey Asad, waxaa na dhex martay sheeko isku
hilow oo aad u dheer, waxa uuna kadib ii sheegay inuu doonayo in dalka
Somalia uu ku laabto si uu halkaasi ugu aqal galo, waxaan su’aalay
gabadha uu doonayo inuu guursado, balse waa uu iga diiday inuu ii sheego,
waxaana uu igu yiri “markaan soo baxayo toddobaad kadib, ayaan London soo
marayaa, markaasaan si wanaagsan u wada hadleynaa”, anigana “waayahay”
baan ku iri.
Toddobaad kadib Asadkii ayaa iigu yimid London, isag oo kusii jeeda
magaalada Muqdisho, sii uu halkaasi ugu aqal galo, markaan isku nimid
kadib, ayaa waxaa na dhex martay sheeko aad u dheer oo ku saabsaneyd
gabadha uu guursanayo iyo bal sida uu xaalkiisu yahay, anaa sheekada
bilaabay, oo ku iri “war lacag baad sameysay, maasha la yiri aroosaa
maskiin maaha, ee waa tuma gabadha aad guursaneyso, bal ii sheeg”,
markaasi baa isaga oo aad moodo in farxadda ay ka tan badisy buu igu yiri
“war gabadha aniga horta wax jaceyl ah, ah nama dhex marin, laakiin
Xamzow, haddaad aragto, walaahi isla daqiiqaddan baad go’aan ku gaari in
laguu guri geeyo, qurux ay qabto darteed,”, hadaan warka ka dhageystay oo
farxaddiisa aan la dhoola cadeeyay baan ku iri ” waan gartaty’e, hadii
dhexdiina uusan wax jaceyl ah dhex marin yaa qorshahan wada?”, “qorshaha
waxaa wadda hooyo” buu iigu war gaabiyay haddana, “oo sidee?” baan anna
ku dhahay”, markaasuu yiri ” gabadha waa gabar xaafaddeena Muqdisho, meel
aan ka fogeyn degan, waxay ka dhalatay qoys waxoogaa iska liita, marka
hooyaa inta quruxdeeda iyo wanaageeda ka yaabtay cidooda la hadashay, oo
lacag badan iyo aroos laga yaabo u ballan qaaday, wayna ogolaadeen,
kadibna aniga ayay gabadha sawirkeeda ii soo dirtay, anna markaan sawirka
arkayba qalinka ayaan ku duugay qorshaha hooyo, marka saaxiibkeygiiyow
xaalka waa saas”, “waan gartay” intaan ku dhahay, baan u raaciyay “gabdha
magaceed?’, magac baan ka sugayay hees buuba ii galay, isaga oo leh
“Hanaan socodka laafyaha
Hagar la’i wax qabashada
Hindisiiyo falaada
Hab celinta sheekada
Haddaan hooyadeed korin
Ama aan caano la hubin
Ma heeseen asluubtiyo
Edebtiiyo Xishoodkee”
haduu intaas heesta marinayo ayaan ku dhahay “war aniga ii hees kumaan
oranee gabadha aad guursaneyso magaceed?”, intuu qosol la dhacay buu yiri
“Xamzow adna sidii damiin oo kale baad rabtaa in far waa weyn wax laguugu
dhigo”, “weli kuma fahmin” ayaan haddana dhahay, “Heeskaasi gabadha lagu
amaanayo magaceed” buu i weydiiyay haddana, balse waan isaga aamusay,
haduu cabaar hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri “war
waad waalatay’e ee naga tag” , kadibna waxa uu ii raaciyay “micnaha
waxaan ka wadaa gabadha waxaa la yiraahdaa Istar…
Qeybtii 15-aad
