Nin Ilaah yaqaan- Sayid maxamed

 

Waa qayb ka mid ah Gabay uu Saydiku isku keen baray, kagana hortagay dacaayadii Ingiriiska ee xaqdarada ahayd.
Nimaan edebdarroonayn xil, waa laga ajoodaaye
Aflagaadda aan jirin nimaan, kuula imaneynin
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya
Abuu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaan, iriq u dheeraynin
Addoomaha Ilaahy nimaan, kala irdhaynaynin
Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaaja awawgeed la gubay, ubucda jeexaynin
Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeedhyo soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin
Intuu aqalka baanjiyonimaan, aradda guulguullin
Aagaanta ciirtaa nimaan, aaska dhiganaynin
Oo aan qumbaha awdanoo, ilaxidhkow jiidan
Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu, edeg adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow, ikhyaar maaha?