Qeybtii 16-aad

 
Haduu cabaar hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri “war
waad waalatay’e ee naga tag” , kadibna waxa uu ii raaciyay “micnaha
waxaan ka wadaa gabadha waxaa la yiraahdaa Istar, markii aan magacaas
maqlay, ayaan control-kii iga lumay, aad ayaan uga naxay runtii, ma
jecleyn inay nolosheeda dib u saaqdo xasuusta Istarteydii, saaxiibkey
ayaa markaas inta isla fekerkeyga ka yaabay, igu yiri “saaxiib maxaa kugu
dhacay”, “waxba xusuus hore baan iska galay”, baan anna ugu war qariyay,
kadib ayuu i yiri “waadba iga nixisayee!”,.

Xaqiiqdii waxa qalbigeyga walaahowga geliyay, ayaa waxa ay ahaayeen
magacaas Istar, ee aan maqlay, anigaa isla hadlayoo, mar waxaan is iri
“tolow ma Istartaadii baa?’, haddana ani unbaa isku jawaabayoo, waxaan is
iri “Istar xiligan waaba hooyo, caruur u leh dhaqtarkii baas, ee waa mid
kale waxa uu saaxiibkaa ka hadlayo”, tii iskuma aan qancinee, haddana
waxaa la yaab igu noqotay hadlkiisii ahaa “gabar aan isku xaafad nahay oo
reer iska tabar darran ka dhalatay”, waxba yaan hadalka kugu daalin’e,
anoo isku dayaya inaan ka ogaado isaga ayaan ku iri “war adiga i yiriyee,
gabadha hadaad aragto adaa deg deg ku go’aansanaya inaad guursato ee maad
sawirkeeda i tustid”, balse saaxiibkey Asad, arrintaasi waa uu igaga
cudur daartay waxaana uu ii sheegay in sawirkeeda uu kaga soo tagay USA.

Hadaan maalmo wada joognay ayuu Asad, iila yimid qorshe aan xisaabta
iigu jirin waxaana uu iga codsaday inaan u raaco Somalia, si aan uga
qeyb galo arooskiisa, hase yeeshee waan ka diiday arrintaas, wax walba
waa uu sameeyay si uu iiga dhaadhciyo inaan raaco, anna intaa waan ka
dhego adeygayay, hadaan cabaar isla doodeynay oo uu iga aqbali waayay
diidmadeyda, ayaan go’aan ku gaaray inaan saaxiibkey runta u sheego, oo
aan shaaca ka qaado wixii na kala qabsaday aniga iyo qoyskeyga, ee ahaa
inay cadaatay inaysan i dhalin, markaasuu i yiri “oo sidee maxaa dhacay”,
anna anoo arrinta Istar shaaca ka qaadin ayaan ku iri “gabar aan
jeclaaday ayuu aabe ii diiday oo ina adeertey buu rabay inuu igu qasbo,
markaan diidayna waxuu ii sheegay wax uu weligii iga qarin jiray, oo ahaa
inuusan i dhalin, kadibna Somalia waanba isaga soo tagay”.

Sheekadaasi saaxbiikey waxay ku noqotay mid uu ka naxay, waxaana uu iila
yimid qorshe ah inuu Somalia igu celinayo oo aniga iyo waalidkii isoo
koriyay dib na isugu kaaya naqayo, adiga waxay doontaba ha ahaatee,
waxaan aqbaly inaan Somalia ku laabto, oo aan saaxiibkey raaco, si aan
arooskiisa uga qeyb galo, isla markaana aniga iyo waalidkey aan dib isku
aragno, oo aan wixii hore iska ilaawo nolol cusubna aan aas aasto,
sidaasi ayaana meel isla dhignay.

dhowr maalmood kadib markii qorshaha saaxiibkey, aan aqbalay kadib ayaan
dib ugu laabanay aniga iyo isagaba dalka Somalia, waxaan tagnay magaalada
caasimadda ah ee Muqdisho, oo labadayadaba aanu ku nooleyn hada ka hor, markaan caga
dhiganay garoonka diyaaradaha ee Mogadishu International Airport, ayaan
halkaasi telefoon kaga diray gurigeena, nasiib wanaag waxaa telefoonka
iga qabatay gabar jaariyad ahayd, war badan lama gelinee waxaan ku iri
“Anas ila hadalsii”, iyana “waa yahay” bay iigu hadal gaabisay, waxaana
ii xigay codkii Anas oo dhahaya “waa kuma’, “waa Xamza” baan ku iri,
walaalkey dhowr daqiiqo ayuu oohin igaga aamusnaa, kadibna sheeko dheer
ayaa na dhexmartay, “arrintan cidda ka qari” baan ku iri, waxaana ku
degay guriga saaxiibkey Asad.
Maalmo hadaan halkaasi ku noolaa, ayaa saaxiibkey iyo walaalkey dadaal
dheer kadib waxa ay ku guuleysteen inay waalidkey iyo aniga dib na isugu
kaaya celiyaan, aabaheygi i soo koriyay waa uu ka qoomameeyay wixii dhacay,
anna waan iska cafiyay, halkaasi ayaana nolol cusub ka bilaabay.

Hadaan toddobaad gurigeena dib ugu noolaa, ayaa subax waxaa ii yimid,
saaxiibkey Asad, waxaana uu igu yiri “galabta waanu is raaceynaa”, “oo
xagee?”, baan ku iri, isna waxa uu iigu jawaabay” waxaan ku soo barayaa,
gabadha aan guursan rabo, ee Istar”, waxay ahayd arrin aan aad u xiisaynayay
bal sidaan u soo kala ogaado in tani ay Istarteyda tahay iyo in kale,
waana ka qabaly saxiibkey.

Galabkii mar ay tahay 4:30pm, ayaa waxaa ii yimid Asad, waxaana isku
raacnay guriga gabadha uu guursan rabay oo aan sidaasi uga sii fogeyn
gurigooda, sidii wadada Maka Al-Mukaramah, uu noogu waday ayuu iga
leexiyay jiiradkii aan ka leexday subaxii aan isaga sagootinayay,
islamarkaana baranayay Istarteydii, waan shakiyay aniga, hadana kuma sii
dheeraane waxaan niyadda iska iri “bal eeg waxa yimaada”, hadaan cabaar
soconay, ayuu gaarigii noogu baakimay iridkii hore ee guriga
gacalisadeydii hore ee Istar, oo waxooga is bedel uu ka muuqdo,
durbadiiba waxaa ii cadaatay in qofka saaxiibkey calafkiisa uu muuqata ay
tahay qaalideydii hore, gurigii ayaan galnay, waxaan ku arkay dad igu
cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo gashay gabar aad u carfeysa
una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba Istarteydii…