1. Maxaa la’iiga baahanyahay inaan noqdo inta aanan raadin qof wanaagsan?
2. Sideen u doortaa gabadh wanaagsan, maxaanse ku doortaa?
3. Waa maxay calaamadaha lagu garto gabadha wanaagsan?
… iyo weliba talooyin badan, oo ku aaddan sidaad u abuuri lahayd geed hadh weyn oo islamarkaana miraha kaaga baxaa ay yihiin kuwo macaan…
Halkaas ayay inoo maraysay
Qormadan, oo hadduu Rabbi idmo taxane noqon doonta, qeybaheeda horana aan wiilasha kula hadli doono ayaa waxaan u hibeeyey dhallinta Soomaaliyeed ee guurdoonka ah iyo wiliba qof kastoo jecel inuu yagleelo (dhiso) guri iyo sowjad (Xaas) sabab u noqota inuu ku naaloodo (raaxaysto) nolol ey farxad, xasillooni , deganaan iyo jaceyl ku dheehanyihiin . Waxaa la yiraahdaa,
“ما ذاق طعم العيش من لم يكن له حبيب يطمئن اليه ويسكن”
‘’Nolosha macaankeeda muusan dhadhamin qofkii aan laheyn xaas uu ku xasilo oo uu ku dego,’’
1. MARKA HORE INTA AADAN RAADIN QOF WANAAGSAN, ADIGU NOQO MID DHOWRSAN?
Isku day inaad noqoto qof dhowrsoon marka hore, qof Alle ka baqa, qof ku xiran diinta Alle. Haku mashquulin inaad raadiso qof wanaagsan adoon taada marka hore wanaajin. Marka hore wiilyahow noqo Maxammed dhowrsoon waxaad heleysaa Khadiijo dhowrsoone.
Qofkii wanaagsan wuxuu helaa qof wanaagsan, qofka xunna wuxuu helaa qof xun. Sidaa daraadeed naftaada wanaaji Eebena ma dayici doono dedaalkaaga, oo wuxuu kuu sahlayaa qof dhowrsoon oo aad adduunyada raaxo kuwada noolaataan.
2. SIDEEN U DOORTAA GABADH WANAAGSAN MAXAANSE KU DOORTAA?
“Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede:
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa”
Tuducyadan gabayga ah ee aan kor ku xusay, waxey tilmaamayaan ama micnaynayaan xadiiskii nabiga (csw) uu kula dardaarmayey dhallinta guurdoonka ah. Waxey tilmaameysaa inuu wiilku ahmiyaddiisa 1aad ka dhigo siduu u heli lahaa gabadh diin leh.