Waxaa la yidhi, aw maxamuud cabdu huube ayaa arkay niman reerka ka sii ambabaxaya, markaasuu u yeedhay, wuxuu waydiiyay xaggeed aaddeen, waxay ku dheheen waxaan doonanaynaa gabdho. Markaasuu dhulka ku xarriiqay laba xarriiqood, oo midna toosan tahay midna qalqalloocan tahay. Markaasuu wuxuu waydiiyay wuxuu ka wado calaamadahan. waxay ku dheheen garan maynee noo sheeg adeer. Markaastuu ku yidhi, xarriiqdan toosan waa gabadha la dhaho raad-qumman. waa gabadha laga soo guursado deeganada shishe, oo markaad isku dhacdaan toos ayay kaaga tagaysaa, balse xarriiqdan qalqalloocan waa gabadha la yidhaahdo raad-qallooc, waana gabadha laga guursado deegaanka aad joogto, oo haddaad si kasta iskugu dhacdaan kaa tagi mayso. Markaas ayuu nimankii kula dardaarmay inay soo guursadaan gabadha la yidhaahdo raad qallooc.
Waxaan ka qoray Xaliimo cali gaax wayd