Gabay israaca soomaali

Abwaan soomaaliyeed

-Afartaa araartii horiyo aragti taariikh dheh
-Afar kalana eeggiyo wakhtiga bal aan ku iinshaaro
-Israaceeda soomaalidaan ku istareexaynay
-Istiqaamadaan dhiibanee uunka wada gaadhay
-Aafadiyo dhibteedii la arag aramideediiye
-Umul baad sideedii wixii dhacay illawdeene
-Shalaytaa abeed iyo nin raga aamus la lalahaaye
-ayaan iyo cawaad leedihiin ubadkan joogoowe
-Alifkiyo ba’dii baad wadaan ood akhrinisaane
-Ikhtiyaarkay naga qaadayeen furan albaabkiiye
-Waa astaahil maantaba hadaan la i afduubayne
-Aayeheena soomaaliyey aakhir iyo haatan
-Il-duufkiyo hadaynaan ka jirin igadh maqaar saarka
-Ammaankiyo hadaan nabadgalyada oofin kari wayno
-Oo lagu adeegsado badh baa la intixaamaaye
-Imminkaba haddaynaan midnimo oogta ka caddaynin
-Il kalgacal afkoo runa iyo haddaan lays cafiyin uurka
-Oon ul iyo diirkeed la noqon lana il-dheeraanin
-Anshax malaha aayuhu hadaan ubadku ceeshayne
-Umadahan la hiigsani midnimay ku istareexeene
-Emailku geed lagama helin iibna ma ahayne
-Ardaygiyo sidii macallinkaa la iska eegtgaaye
-Ambaqaadka reer kuma dhismiyo ood rogaan rog ehe
-Asalkaba qarkaad oodataa lagu adkaystaaye
-Uugaanka geel kuma dhaqmiyo uubatada dheere
-Anshaxiisu waa foodhiduu ku istareexaaye
-Aboorkuba wuxuu tacab ku dhigay ururka weeyaane
-Haddi ayn asluub jirin shinnidu malab ma ooddeene
-Askar bayna kala leedihiyo amarrad waayne
-Is addeec la’aan waa wixii lagu il-duufaaye
-Aqbali mayno uugaan dambiyo awr dib loo raro’e
-Asxaab noo tartamayaa jirtoo waan il-bixinaaye
-Af-saartiyo way kala dhawdahay oodda dhacantaaye
-Ku abshira abbaanduule waa inaan addeecnaaye.