Q3. Garaadso intaadan guursan

Quruxda: Quruxdu waa wax aan waligeed taagnaaneynin, oo waa wax tagaya. Waxaa kaloo la yiraahdaa quruxdu dhalaalka kore ma’aha ee waa midda qalbiga gabadha uu alle ku abuuray (Dhaqan wanaageeda, dabeecad wanaageeda, xaqdhowrkeeda, dhago nugeylkeeda (iwm).
Maalka: Maalku waa wax la heli karo lana waayi karo “abaar iyo barwaaqaa is xiga laba ayaamoode, alllaylkiina waxaan joogin baa iman dharaartiiye”.
Nasabka: waxaa laga yabaa gabadhaad nasabka ku guursatay, in la helo mid kaloo kasii nasab iyo mansab wanaagsan, laakiin waxa kaliya ee haraya)ee aan dhammaaneynin waa qodobkan soo socda ee meel ku gunud.
Diin ku dooro: Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan. Run ahaantii nin nasiib leh ayaa hela gabadh diin leh. Gabadha diinta leh waa furaha nolosha. Waa qof adduunyadaada iyo aakhiradaadaba kuugu kaalmeyneysa wanaaga.
Lammaanahaaga ha ku qiimeyn qurux keliya, ha ku xulan xoolo keliya, ha ku raacin reer keliya, ee ku dooro diin. Hadduu Ilaahay ku siiyo gabadh diinna leh, quruxna leh waa mahad Alle, haddii aad hesho gabadh diinna leh, xoolana leh waa mahad Alle, haddii aad hesho gabadh diinna leh, reer magac lehna ka dhalatay waa mahad Alle, laakiin diintu hakuu noqoto shuruudahaaga midda ugu horreysa ee aad wax ku doorato.
Kedibna wuxuu Ilaahay kuu raaciyo diin wanaageeda oo nasab, maal, iyo qurux ahna, ay kuu tahay nimco dheeraad ah. Gabadh diin leh marka hore raadi, iyadaa laga helaa nolosha raaxadeeda. Xadiis uu Abdullaahi ibn Cumar Ibn Caas warinayo buu nabiga (csw) ku leeyahay;
“الدنيا متاع وخير متاعها المرأة الصالحة”
‘’Adduunyadu waa dhaldhalaal iyo raaxeysi yar, dhaldhlaalka iyo raaxaysigaa yarna waxaa ugu kheyr badan haweeney saalixad ah oo wanaagsan.’’