Waxaa la yidhi bari baa subax reero guuraya waxaa xerada ugu yimid waraaba dadwaw nin quman iska dhigaya oo dhar fiican xidhan. Gabadh gashaanti ah oo qurux badan ayuu ki yidhi: “Gabadhey sheekaan kaarabaaye, markii la dago ii soo noqo, halkan baan kugu sii sugiye, oo kuushaada ii dhiib aan kuu sii hayee. Markay reerihii meel fog sii socdaan ayay walaalkeed ku tiri; “Alla wll hebalow kuushaydii baan soo illoobay ee cidda sii wada”. Walaalkeed baa yidhi anigaa dooniye sii soco adigu, way diiday oo anaa doonan ayay ku tiri. Markay jabadi imaatay waxayba aragtay wixi ninka ay moodaysay oo lafa iska xag xaganaya. Markay tiri aad carartid ayuu soo qabtay, wuu soo kexeeyay, siduu maalintii oodhan u waday, ayay biyo ku soo bexeen, dharki buu iska saaray, isagoo sayn dheer ka lulato ayuu biyihii ku maydhay, markuu soo qabaystay ayuu ku yidhi, “Naa ama aan ku cuno ama ii dhaantee” Markaasay tiri:
“Walaalkey labalabaalow
Walaalkey laba ka roonow
Cadaadley cido ma joogaanoo
Cagayare igu soo ciyaaryey”
siduu meelaha u silsilcinayay, ayay gabadhi aragtay reer meel ka muuqda. Markaasay ku maaweelisay:-
-Dudumooyinkaa dudumooyinkaa
-Daaraa la moodaayey
Isna wuxuu dhihi; -Oo waa runteedey waa runteed
-Xuunshooyinkaa xuunshooyinkaa
-Xoolaa la moodaayey
-Oo waa runteedey waa runteed
-Garanuugahaas garanuugahaas
-Geel baa la moodaayey
– Oo waa runteedey waa runteed
Siday iskaga soo maaweelinaysay ayay reerki ku soo dhax dhacday oo isagina meeshi lagu dilay. Gabadhaas waxay u baxsatay af-tahanimo.