Waxaa midhaha tirinaya Gabyaa Muxumad Colaad Cabdi (Dhala-gaawe)
Dheeshu waa cayaar caan ah oo laga dheelo goballada koonfureed soomaaliya iyo waliba meelo ka mid ah deegaanka soomaalida galbeed. Dheesha waxaa loo cayaaraa mararka qaar farxad sida aroos dhacaya ama ilmo dhashay, waxaa kaloo loo cayaaraa duco loogu ducaynayo in xoolaha Alle u badiyo ruuxa loo dheelayo dheesha. Dheesha midhaheeda waxaa tiriya qof gabyaa ah rag ama dumar midkuu ahaadaba, waxaana jiibta iyo jaanta u haya koox aad u taqaana cayaartan. Hadaba midhahan soo socda ayaa ma mid ah midhaha dheesha loo tiriyo, bal u fiirso:
-Illeen intan waa ilma adeer
-Illeen waa ubax wanaalaa
-Illeen waa ul iyo diirkeed.
-Durka iyo darkaa dhawr
-Iyo duudka miliqeed
-Iyo dabinka ceel-waaq
-Dushi uurka waynayd
-Dixda wagad aroorkeed
-Tolow dabinka waydkaal
-Waryaa anqalaal dareerkii
-Haddaan diisha wabi cillaan tago
-Waryaa iyo dooxa buunney
-Illeen dalku wuu macaan yahay
-Dariiqadu may ku noolayd.
-Ninkii gabaygayga moodaayo
-Inaan gooddi oola fiirsaday
-Waryaa guubaabadaan wado
-Illeen gacalkiyo walaaluhu
-Waryaa gobtu way ku diirsani.
-Dhadhafeeyo dhanagaabey
-Dhanka diima loo maro
-Iyo dhaahda buunney
-Allow dhuuxa wali cillaan maro
-Tolow dhulku wuu ballaadhnaa
-Markii dhanka jiiqda loo kaco
-illeen wiilal dhaadan baa daga