Q-4aad Garaadso intaadan guursan

Shaacirkii wiilka guurdoonka ah la talinayayna waa tuu lahaa;
“Haddaad dooni guri raaxaloo aan dhib kugu gaarin
Iyo guur wanaagiisa iyo gogol macaankeeda
Iyo gibil asturan oon rag kale gaarin aragiisu
Iyo hadalka oo gaabanoon dariska gaareynin
Iyo guud wixii aad fartaba gabar addeeceysa
Oon dibadda gaareyninoo joogi gurigeeda
Oo goorti aad fiirisaba garan muraadkaaga
oo gacan ku siinee haddii dhibi ku soo gaaro
Oo guulahey kaaga barin in uu ku guuleeyo
Oo goor walbaba raali ku ah guulle wuxuu keeno
Oo aan ganbiyo kala jecleyn gini midkaad siiso
Oon biilkii wuu go’ay laheyn amase wuu gaabtay
Oo guriga gole diin ka dhigi gebi ahaantiisa
Ku gardaadin guud ubadka oo diinta garansiini
Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah;
AKHLAAQ IYO DHAQAN WANAAG KU DOORO:
Waxaan joognaa xilli dhaqankii wanaagsanaa uu sii gabaabsi yahay, xili akhlaaqdii suubaneyd ay god madow
kusii aroorayso, xilli xishoodkii iyo xayadii lakala dhaqaaqay. Waa lagama maarmaan inaad akhlaaqda iyo dhaqankeeda ka eegto gabadhaad guursaneyso. Umaduhu waxay ku dhisanyihiin akhlaaq iyo qiyam, haddey akhlaaq iyo beelaan qiyam way burburaan, Xadiis uu warinayo Abu Saciid Al Khudriy oo uu ka warinayo Nabigu CSW wuxuu inoo tilmaamayaa;
“أكمل المؤمنين إيمانًا أحسنهم أخلاقًا”
‘’Dadka Mu’miniinta ah waxaa ugu iimaan dhameystiran, kooda ugu akhlaaqda wanaagsan.’’
Mar kale wuxuu nabigu leeyahay (csw):
“إِنَّ النَّاسَ لَمْ يُعْطَوْا شَيْئًا خَيْرًا مِنْ خُلُقٍ حَسَنٍ”
‘’Dadka lama siin oo looma hibeyn wax ka wanaagsan oo ka kheyr badan akhlaaqda wanaagsan.’’
Haddaad dooneyso gabar kheyr badan oo aad ku indho qabowsato, akhlaaq wanaag ku dooro. Haddey gabari akhlaaq beesho yeysan gurigaaga soo gelin.