Sheeko dhallaan: Maroodi cadhdhaysan iyo laba-kurusley…

 

Waxaa saaxiibay maroodi cadhaysan iyo laba kurusley lammaan.
Labakurus layda lammaan ma ugaadhsan karto. Markaasuu maroodiga ku dhahaa naa ama carruurta u soo ugaadh ama carruurta sii hay. Waxay dhahdaa anigaa carruurta sii hayi. Carruurtooduna waxay kala ahaayeen laba xun xun oo uu maroodigu dhalay iyo mid fiican oo ay laba kurusleydu dhashay. Markaasaa kolba intuu ugaadhsi tago wax soo qaadi oo u keeni, iyadina waxay u sii kala qaybin carruurtii, markaas ayay carruurtiisina wax xun xun siisaa, ilmaheedana wixi fiican. Maalin maalmaha ka mid ah ayay isagoo ugaadhsi ku maqan ayay labadiisi carruurta ahayd ku joog joogsatay, ilmaheedina way la carartay, markaasay u timid dawaca maqal la joogta, maqashi baa soo diday, dawacadi baa tiri:- maqasha yaa iga soo didiyayeeey.
Markaasay ugu jawaabtay:-
Labakurusley lammaan,
Ma i maashaa
Ma i maraqdaa
Maroodi cadha leh
Oon la celin karin
Oo cadaawaa
Ma iga celisaa
Dacadi baa tiri naa kaama celin karee, balaayo kugu dhacdaye, orad oo i dhaaf.
Haddana waxay u timid Weer adhi la jooga. Adhigi baa soo diday. Weerki baa yidhi:- adhiga yaa iga soo didiyeey.
Markaasay ugu jawaabtay;-
Labakurusley lammaan
Ma i maashaa
Ma i maraqdaa
Maroodi cadha leh
Oon la celin karin
Oo cadaawaa
Ma iga celisaa
Markaasuu ku yidhi; naa balaayo kaa celisaye kaama celin karee idhaaf.
Haddana waxay ku soo baxday, dhurwaa lo’ la jooga. Lo’di baa soo diday, markaasuu yidhi; Lo’da yaa iga soo didiyayey.
-Labakurusley lammaan
Ma i maashaa
Ma i maraqdaa
Maroodi cadha leh
Oon la celin karin
Oo cadaawaa
Ma iga celisaa
Naa mayee balaayo kaacelisaye lo’da ha iga soo didinin.
Waxay ku so baxday libaax geel la jooga, geeli baa soo diday. Libaaxi baa yidhi; war geela yaa iga soo didiyayey.
Markaasay tiri;
Labakurusley lammaan
Ma i maashaa
Ma i maraqdaa
Maroodi cadha leh
Oon la celin karin
Oo cadaawaa
Ma iga celisaa
Markaasuu yidhi, naa balaayo kaacelisaye geela ha iga soo didinin.
Markii ugu dambaysay waxay ku soo baxday, dabangaalle quulla la jooga. Quulaha yaa iga didiyayey.
Labakuruley lammaan
Ma i maashaa
ma i maraqdaa
Maroodi cadha leh
Oon la celin karin
Oo cadaawaa
Ma iga celisaa.
Markaasuu yidhi, haa anaa kaa celine, oradoo haweenkayga dhax fadhiiso, ilmahana carruurtayda u gee. Maroodigi oo wixi oo dhan soo wada maray oo ordi baa ku soo baxay dabangaallihi. Markaasuu yidhi; war quullaha yaa iga soo didiyayeey. Maroodigi baa yidhi; Labakurusley lammaan,
Oo cadaawa ah
Oo carruurtaydi iga laysay ma aragtay.
Markaasuu yidhi, waan arkay, mana taaban kartid. Maroodigi baa xanaaqay oo yidhi;
War wallaahi intaan cag dhaho,
Oon cag maroodi dhaho
Ayaan cagtayda wayn kugu baabi’in
Markaasuu isna yidhi,
War wallaahi intaan fag dhaho
Oon fag dabangaalle dhaho
Intaan futada qudhigeeda kaa gali
Markaasuu maroodigi soo booday oo damcay inuu ku istaagaba, dabangaallihina intuu u banneeyay ayuu dabada ka galay. Markaasuu xiidmihii ku billaabay inuu jarjaro, isagoo dhahaya, xiidan goo, xaydha dhaaf, xiidan goo, xaydha dhaaf, xiidan goo, xaydha dhaaf…, markuu maroodigi si uu yeelo garan waayay, ayuu yidhi;

M. War dabangaalle iga soo bax,
D. xaggeen ka soo baxaa, dabada,
D. Ma waxa xaarka leh.
M. War dabangaalle iga soo bax.
D. Xaggeen ka soo baxaa?
M. Afka
D. Ma waxa calyada leh
M. War dabangaalle iga soo bax
D. Xaggeen ka soo baxaa?
M. Dhagta.
D. Ma waxa dhukayga leh
M. War dabangaalle iga soo bax
D. Xaggeen ka soo baxaa
M. Sanka.
D. Ma waxa siin ka leh
Marki ayuu sidi ku dhintay maroodigi, dabanggaalihi baa intuu ka soo baxay korka kaga istaagay, oo yidhi sidan:
-Nin yar oo nin wayn dilay ma aragteen
-Kaba tole kureed dilay maaragteen.