Gabadh camal gobaadeed leh maad calafka ii saartid.

 

Gabaygan taariikhiga ah waxaa tiriyay Alle ha u raxmee Abwaanki la odhan jiray Daahir Cali Nuur, waa gabay aad uga caan ah bulshada reer miyiga ah kala badhna ay xifdisan tahay, waxaana lagu jeclaaday gabaygan waa mid xaqiiqada ku saabsan, ducana ku soo gabagaboobayo. Akhris wanaagsan.

Bahda dhugasho waxay diyaar idiinla tahay inay idiin soo gudbiso waxyaabo taariikhi ah, kala soco arbaca kasta suugaan dhaqameed kugu cusub.
Adeerow cilmiga naago waa ciiddan oo kala’e.
Allow toban haloo cayn kutaal calaf ha ii saarin.
Midi waa camaadaa xunoo cugan aqoon weel’e.
Oon cawska soo guran aqoon cawda iyo maadha.
Allow cadafo tii jilicsanayd calaf ha ii saarin.
Midi waa cubeed yuuqanood lugaha caws moodo.
Oon caddiin lahayn wayda waa la isku caayaaye.
Allow caalyo naag aan lahayn calaf ha ii saarin.
Midna waa bakhayl caaganoo laga cabsoodaaye.
Ciddoo kuu irmaaniyo dadkoo wada cadiimaysan.
Gurigoo camiran sooryo waa camal gobaadeede.
Allow tii calaacali lahayd calaf ha ii saarin.
Midna waa cod dheer goor horaa ceeski laga qaaday.
Way kugu caraatami intay calalka geed saarto.
Allow tii iceebayn lahayd calaf ha ii saarin.
Midna ceebalay tolkay kala cadhaysaaye.
Midda sinada lagu caayo waa cawro lagu saarye.
Allow tuu ciyaalkuba galgalo calaf ha iisaarin.
Allow gabadh cas oo caraf leh ood carab nugaal moodo.
Oon cudhudh ahayn dheerar baan caashaqoon rabaye.
Oon cadho aqoon qaylo waa la isku caayaaye.
Oo camal gobaad leh maad calafka ii saartid.