Q.5aad Garaadso intaadan guursan

DABEECAD WANAAG KU DOORO:
Dabeecaddu waa muhiim. Waa muhiim ineey labada qofi isku dabeecad yihiin, dad is fahmaya oo nolosha isku si u arkaya yihiin. Dabeecaddu waa qeyb ka mid ah is fahanka, labada qof. Haddey labada qof is dabeecad fahmaan waxaa hubaal ah ineey nolosha inteeda kalena isku fahmayaan, haddiise labada qof dad is dabeecad fahmaya eysan aheyn waxaa hubaal ah inuu gurigaa ku dambeynayo burbur iyo kala haad.
3. WAA MAXAY CALAAMADAHA LAGU GARTO GABADHA WANAAGSAN?
* Waxaa laga helaa inta badan masaajidda, maraakista diinta lagu barto iyo guri diinta Alle saldhig uu u tahay
* Waxaa lagu gartaa gabdhaha ay saaxiibada yihiin had iyo jeer oo ah kuwa diin leh
* Waxaa lagu gartaa oo astaan u ah in ay had iyo jeer xijaabkii Alle ku waajibyeelay xirantahay.
* Waxaa lagu gartaa xishoodka joogtada ah. Waa gabar had iyo jeer xishood dheeraad ah aad wajigeeda, socodkeeda iyo hadalkeeda ka dheehaneysid
* Waxaa lagu gartaa qoyska ay ka soo jeeddo dhaqan wanaagiisa. Haddey hooyadeed iyo aabbeheedba yihiin dad aan bulshada magac iyo sumcad sare ku laheyn oo aan bulshada wax qiima ah ku lahayn, waxey u badantahay ineey gabadhoodana wanaag badneeyn, sababtoo ah inta badan dhaqanka waa la iskaga daydaa.
* Waxaa lagu gartaa markaad haasaaweysaan ineysan ahayn mid hadal kugu dardarta oo afka ku goosata (Waa hadaadan xumaan kula hadlin)
* Waxaa sidoo kale lagu gartaa markaad haasaaweysaan ineey tahay gabadh had iyo jeer wixii Rabbi xadeeyay ee sharci ah, aan ku xadgudbin adna aan kaa ogalaan inaad ku xad gudubtid.
* Waxey caro awgeed isdaba martaa markaad kala hadasho wuxuu san Ilaah SWT Raalli ka aheyn
* Waxey kaala sheeykeysataa mustaqbal iyo sidii aad u yagleeli lahaydeen guri Illahay raali ka yahay.
* Waxeey tix galisaa ehelkaaga iyo qaraabadaadaba.
* Waxey ka ag fogaataa oo ku xajiimootaa dumarka caariyaadka ah. (Ineey dacwo iyo diin u gudbineyso mooyaane)
* Kuguma xirto inaad u dhigto aroos qaaliya, gawaari badan oo lagu galbiyo, qasri qaaliyoo la dejiyo iwm
* Haddey gaajeysantahay iyo haddey dharagsantahayba cabasho kama maqleysid, oo waa gabar ku qanacsan wuxuu Alle siiyay. Waa gabar uu Rabbi qanaaco siiyay. Gabayaagii xakiimka ahaa wuxuu yiri;
“faqrigu sidiisaba,
sacab madhan ka xeel-dheer,
qanacood ka sooftaa,
ugu daran saboolnimo”
* Waxaa hadalkeeda, muuqeeda, socodkeeda, dharkeeda, asxaabteeda, meelaha ey joogta had iyo jeer laga dheehdaa, laga dareemaa muuqaal uu Rabbi raali ka yahay.
Iyo wiliba qaar kaloo badan oo uu wiilka dhowrsani maskaxdiisa dhowrsan ka dhex heli karo.
4. TALOOYIN GOOS-GOOS AH OO U GAAR AH WIILKA GUURDOONKA AH
* Garaadso intaadan guursan, u diyaar garow noloshaad dooneyso inaad abuurto.
* Ha guursan hadaadan u heyn aqal iyo qalbi aad dajiso walaashaa
* Iska fiiri qoyska ay gabadha ka dhalatay, hooyadeed, aabbeheed, walaaleheed iyo wiliba saaxiibadeedba, sababtoo ah dadku waxeey isku yeeshaan saameyn aad u ballaadhan.
* Haddaad dooneyso guur xalaal ah, shukaansigaaga u mar waddo xalaal ah.
* Ogow ninkasta wuu awoodaa inuu xaas guursado oo caruur dhalo, laakiin nin kasta ma awoodo inuu xaaskaas iyo caruurtaas mas’uuliyadooda qaado
* Haku dheeraan mudada aad gabadha wada sheekeysanysaan. Inta badan waxaa dhacda in muddo intii la wada sheekeysto, oo xiisuhu dhammaado, kadibna la kala dhaqaaqo.
* Haddaad rabtid inaad waddamada reer galbeedka ku dhex guursatid, guurso gabar ay u joogaan hooyo, aabbe iyo wiilal la dhashay, kuwaasoo bulshada dhexdeeda ka maamuusan, ku leh magac iyo mansabba. Sababtoo ah dhulkaad joogtid waa dhul dhib badan, waa dhul dumarka awood loo siiyay sidii iney iyagu ninka furi karaan oo kale, taas oo sababtay shacbiyadda reer galbeedka, furriinku inuu ka marayo 60% (Boolkiiba lixdan).
Nasiib xumo waxaa dhacday dumarkii muslimaadka ahaa markey dhulalka reer galbeedka yimaadeen iney iyaguna is bedalaan, oo dhaqankaa ku qancaan qayb yar, oo Ilaahay u naxariistay mooyaane. Sidaa daraadeed waa gaashaan inaad guursatid gabadh hooyadeed, aabbaheed iyo walaalkeed oo weliba bulshada sumcad ku leh, inaad guursatid.
* Gabadha aad guursaneysid iyo adiga dhexdiina ku abuur geed hadh weyn oo kalsooni la yiraahdo.
Aas aaska guurkiyo
Aqal waxa adkeeyoo
Udubada u taagaa
Ogow waa kalsoonida
Iyo unugga caashaqa
* Haka welwelin waxaad siin lahayd iyo waxaad ku dhisan laheyd reerka marba haddaad tahay qof raba inuu dhameystiro qeyb diintiisa ka mid ah, waayo Rabbi baa kaa kafaalo qaaday. Xadiith Abaa Hureyra (RA) uu warinayo oo xassan ah buu nabigu (SAW) ku leeyahay ;
“ثلاثة حق على الله عونهم: المجاهد في سبيل الله ،
والمكاتب الذي يريد الأداء ، والناكح الذي يريد العفاف “
‘’Saddex qof wuxuu Alle dushiisa waajib isaga dhigay inuu u kaalmeeyo: Qofka Illaahay wadadiisa ku jihaadaya, Ninka adoonka ah ee raba inuu xoroobo iyo Ninka guursanaya , guurkana ka rabo inuu ku dhowrsado.’’