Bulsha kasta oo xilli joogtaba, waxaa jira waxyaabo ay iska ilaaliso sharaf dhacna ay u aragto, haddaba bulshadi soomaaliyeed ee noolayd xilliyadii hadda ka horraysay, ee reer miyiga ahayd, waxay aad iskaga ilaalin jireen, waxyaabaha sharaf dhaca ku keeni kara, sida;
-Bakhaylnimada
-Fulaynimada
-Diraarnimada (Sinada)
-Tuuganimada
-Jaajuusnimada IWM.
Waxaan arrimahan inay jireen ku xaqiiqsan karnaa, gabay uu tiriyay Cismaan keenadiid tuducyo ka mid ahaa.
“Dhabcaal iyo bakheyl aadnigii kuma dhammaadeene
Jaajuuska dheelmani xumaan uma dhuhleyeene
Qaalliyaashu kuma dhiirraden dhagar ay eexdaane
Dillaallaydu dhawaaq iyo cilaaq lama dhukaameene
Suuqyadana dhaar been ah iyo dhirif ma joogeene
Dukaanley dhadhaab iyo qalbiga dhagax ma mooddeene
Layskuma dhawaadeen kufriga lamana dheeheene
Dhallaankiyo iyo khalqigu waalidkii dhalay ma dayrsheene
Naaguhu ma dhaafeen xilkii mana xumaadeene
Badahaas dhib weyn iyo khatar ah laguma dhoofeene
Tuugadu dhurwaayada sidood uma dhaceen reere
Hawana lama dhaqaaqdeen dadkii dhawrsanaan jiraye
Gaalada dhulkeennii timaa dhalisay caynkaase”.
Waxaan tusaale u soo qaadanaynaa odhaah uu ku jabaabay nin ay bulshadu ku qaddariso geesinimo oo magac ku yeeshay.
Muuse maxamed yarow, waa nin reer wabi cillaan ah, wuxuuna u badan yahay xoolo dhaqato, bulshada uu ku dhax nool yahay waxay aad ugu qaddarisaa xoogaa geesinimo ah iyo toog badni, oo wuxuu shiishaa inta badan wuu halaakeeyaa. Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa magaalada godey lagula kulmay, markaasaa waxaa lagu yidhi, “Muusow waxaa lagaa sheegayay geed la fadhiyay maalin dhawayto oo la iskugu yimid meel la yidhaahdo malka-ugaas”. Markaasuu wuu fadhiyaye inta isaga oo kaba la’aan ah soo kacay wuxuu ku jawaabay sidan; “Maxaa la i lahaa kolloba wuu cararay la ima lahayne”.
Qore. Af-guun