Qayb ka mid ah gabaygii Taah calan, ayaan ku soo qaadanaynaa barnaamijkeenii suugaanta Arbacada ee boga dhugasho.
Taah Calan waxaa tiriyey abwaan Aabi Duulaa Mohamed, xilli ay ku beegnayd markay xoroobeen gobolada koonfureed isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya. Waa gabay wadani ah oo damiirka qofka dhaqaajinaya. Wuxuu yidhi:
• Gobolada Togdheer iyo Sanaag, taranka Laascaano
• Tubta Awdal toorahaas sariyo, tiigsashada Saylac
• Taliskaa Hargaysiyo fadhiya, tunanka Oodwayne
• Taabkii Garoowiyo Bariyo, Mudug taraarkeeda
• Galgaduud tusmada taala iyo, tan iyo Hiiraanba
• Jawhar tabargalkeediyo Muqdisho, toobiyaha hoose
• Taaladii Markood iyo Jubbada, tamashlihii Waamo
• Tartarada Bu’aaliyo goshiyo, Salagle taagiisa
• Teeriga Gadoodiyo Bakool, Baydhabadan taahi
• Soomaalidan kalataaganee, tobanba ceel aaday
• Ee shisheeyuhu kala tuurayee, tu walba loodiiday
• Allahayoow adaa taajiree, meel isugu toosi
• Oo nabad lagu tanaadiyo nasii, Dawladnimo taam ah