Qaybtii 6 ee Garaadso intaadan guursan!

* Gabadhaad guursaneyso iska fiiri, ma haweenkii horee wanaagsanaa bey waddadoodii heysaa mise kuwan maanta jooga ee nolosha xaqiiqadeeda ka leexday bey jidkooda haysaa. Waxaa la yiri berigii hore, saddex baa dumarka loo guursanjiray, saddex baa beddashay, saddex baase bi’iyay.

Saddex baa dumarka loo guursan jiray

(Waa saddexdda aan rabo inaad lammaanahaga ku dooratid)

1. I dheh aan dhageystee, (waa xaas ku maqleysa oo ku addeeceysa oo dhego nugul)

2. ii dhiib aan kuu dhigee (waa xaas hantidaada kuu dhowreysa oo biilkaad siiso wixii looga baahanyahay ma’ahee inta kale kuu dhigeysa oo kuu keydineysa)

3. iyo iga dhal aan dhunkadee. (Waa xaas u diyaar ah iney dhasho awlaad oo korsato islamarkaana ku faraxsan.)

Waxaa beddalay saddex

(Sadexdaana waa saddexdda aan rabo inaad kaga carartid)

1. I dheh aan dhaqaaqee (Waa haweeney aan dhegba jalaq kuu siineyn oo markaad la hadashaba irridka ka si baxeysa, haddaad wax u sheegtid iyo haddaadan wax u sheeginba ay isku mid u tahay)

2. ii dhiib aan kaa dhaqdee (Waa haweeney biilkaad u dhiibtaba meel dhiganeysa, oo haddey doonto reerkaba cunta la’aan ka dhigeysa, oo waxey gacanta ku dhigtaba sanduuqa keydka (Saving account) u gaar ah dhiganaysa)

3. iyo iga dhal aan kugu dhibee (Waxaan u maleynayaa middan u danbeysa in ay qurbojoogta waddamada rer galbeedka jooga ku badantahay. Waa haweeneyda markaad is yara qabataanba dharka bannaanka kuu soo dhigeysa, oo guriga kaa xiranaysa, oo caruurtaada kuu diideysa inaad aragtid. Haddaad isku daydo inaad caruurtaada soo booqatana, askarta kuugu yeereysa. Waa iga dhal aan kugu dhibee)

Saddex baase bi’iyay

1Dhego la’aan,

2Dhaqasho la’aan

3iyo Dhalmo la’aan

* Inta aadan guursan ka istakhaareyso gabadhaad rabto inaad guursato. Hadda kuma lihi adoon dedaalkaagii gudan Ilaah iska talo saaro, oo istakhaareyso, maya maya! Istakhaarada iyo talo saarashada Rabbi waxaa lala yimaadaa markaad adigu marka hore inta awoodaada ah dedaasho, oo aad la timaadid dhaq-dhaqaaqii lagaaga baahnaa.

* Ugu dambeyntii waxaan ku leeyahay gurigaaga ha ku aasaasin wax uusan Alle raalli ka aheyn, sida inaad meelo ragga iyo dumarka kuwada kulmaan oo lagu heeso kireyso. Arooskaagu waa inuu noqdaa aroos dad muslim ah leeyihiin, guri muslim ah lagu aasaasayo, la rabo in gurigaa naxariista Rabbi ay asiibto.

Si uu u noqdo gurigiinu guri aad nolol raaxo leh kuwada qaadataan inta noloshiinna ka dhiman, Eebana idin ka dhex abuuro oo idinku arsaaqo ubad aad ku indho qabowsataan.