Waxaa la yidhi faruur gaax wuxuu ahaa nin gaaban oo xoog badan oo geesi ah, marka waxaa dhacday nin waxaa jiray xoog badni lagu yaqaanay oo dadka nag ka dhigay oo aan sidaa loo loodin karin hal marna. Markaasaa faruur iyo isagi maalin ceel la iskugu yimid. Dadki baa dhahay faruurow ninkan wax lagdaa la waayaye ma isku dayi kartaa adigu. Ninki buu u soo baxay. Sidi wax kale looga sugayay ayuu sidi ilma carruur ah wuxuu ninki ku yidhi; “Waryaa bal taago”, meeshi baa yaab iyo qosol lala kala cararay. dadki baa ninki ku yidhi warbal taago inuu ku baaciyaan aan dhawrnee. Ninki baa lugta taagtay, aayar buu baaciyayba ninki xoogga lagu sheegayay. Markuu baaciyay ayuu aayar muun dhigine intuu dhulka ku sii daayay oo iskaga dhaqaaqay buu yidhi; “Baar baa kaa baxay”. Weedhan oo illaa iyo hadda laga isticmaalo gobalka oo dhan.
Lagdin
