Gabaygan waa gabaygii 1-aad ee silsiladda Hana-qaadday ee (Dabargoynta Qabyaaladda)
GABAY:- (DACWAD EEBBE )
CURIYE:- Faysal Bariir Adam
- Dad alloow aduunyada duntaye, duraysa iimaanka
- Digashada abraarkiyo wakhtigan, damacu waynaaday
- Danbaaburadu ay saaa’idee, laguba daynaynin
- Damaceedu way mari la’yahay, tan iyo daw dheere
- Dantiis nimaan aqoon baan helayn, darajo tii dheere
- Dagam weeye ruuxaan is dirin, daadahna aqoone
- Hadal laguma daalee dadyahow, dulucdu waa meele
- La dabaasha maansada hadaan, sooo durkinayaaye
- Afartaas da’dii aan bartiyo, daw ma ku hagaajay
- Duxda hadalka lama dacal mare, dirito maw sheegay
- Deel qaafku waa ba’anyahee, dayr makaga xeeray
- Afarkalana dacwad aan wadiyo, doonis iyo goob dheh
- Dayday baan iraahdaa waxaan, duniba oolayne
- Dadkaygoo is diidaan dhahaa, dawga garansiiye
- Dantii guud ayaan baafiyaa, taniyo daw dheere
- Danbaaburo ayaan diidayaa, nabadi duushaaye
- Daanada ayaan joojiyaa, oon ka digayaaye
- Naftu dawladnimo bay rabtaa, wayna door bidiye
- Qabyaalada inaan duudsiyaan, doonayaa Abide
- Ma dansiiyo hadalaan dux layn, lagana dooodaaye.
- Afartaa dadii aan bartiyo daw ma ku hagaajay
- Duxda hadalka lama dacal mare, dirito maw sheegay
- Deelqaafku waa ba’anyahee, dayr ma kaga xeeray
- Afar kallena dacwad Eebbe iyo, duco illahay dheh.
- Illaahoow dalkii noo midee, daa.im baa tahaye
- Illaahoow nawada doojiyoo, dawlad nagu baaji
- Illaahoow dantaan leenihiyo, damaca no oofi
- Illaahoow daruus khayr qabtiyo, darajo noo muuji
- Illaahoow dalkoo nabad ah iyo, dooga nagu waaro
- Illaahoow adaa deeq baxshee, nabadu noo daahdo
- Illaahoow dan gaariyo ma wado, duudsi iyo xooge
- Illaahoow dadkaas wada dhashaye, dirirtu baabiisay
- Illaahoow dadkaas daalayee, qorigu daanneeyay
- Ilaahoow jidhkay diirayoo, waw damqanayaaye
- Ilaahoow duxdii dawladnimo, maruun usoo dooji
- Daadihi illaahoow adaa, darajo waynaaye
- Ilamaaa dushiyo baarka iyo, dirinta hoos taalba
- Soomaali daw khayrle mari, Duulka wada sheegta.