Waxaa inoo billaabanaysa sheeko taxane ah oo la magac baxday Shan-daranley.
Waxaad kala socon kartaan boggan dhugasho maalin kasta oo Jimce ah idam Alle.
Balayax waa wiil la jecelyahay, oo ay dhaarta ugu dambayso ku maraan hablaha la dhashay, waana ninka kadinka geelooda ah ee reerkooda u go’ay ee kayn iyo kob daaqlaba daajiya. Habeen ayay balayax iyo aabbihiis Goodaad sheekaysteen, duqa uma uusan sheegin wax guur ah kumana uusan soo hadal qaadin, wiilkuna wuxuu arrimaha guurkiisa soo hadal qaadkooda marka kasta ka sugaa aabbihiis, iyada oo ay waliba jirto gabadh caashaq ku dhaawacday balayax xasuusteedana uu ka ladi waayay.
Waa gabadh la dhaho Cudbi oo ay doogaadii hore mar ay kulmeen ku ballameen guur markuu hooro dhibica gugan u soo horreeya, xilligii ballanta oo la soo dhaafay, ayuu wiilku aad ula murgay, waxaana u sawirantay Cudbi oo inta uqaadatay in la illoobay sidaa rag kale kula baxay.
Habeen badhki markii hurda dakharti la iska riday, ayuu odaygi goodaad ahaa wuxuu soo toosay wiilkii balayax ahaa oo runduda dhulkana xarriiqaya. Wuxuu ku yidhi aabbe maxaa ku helay, oo aad la seexan wayday? Balayax dhakhso uguma uusan jawaabin aabbihii, oo cabbaar ayuu ka aamusay, waxaana qalbigiisa ku soo dhacay tuducyo gabay ah, wuxuuna u holladay in uu aabihii ugu jawaabo gabaygan.
“Waxaan aabbe tabayee hurdada iga tallawsiiyay
Waa taa gadhkii teedka iyo tima ka muuqdaane
Tu yar oo halkeer joogta baan taab is leeyahaye
Jeeroon targaafaha ku tago teedka qudhacwayne
Tima dheerta aan rabo anoon tuuyo kula loolin
Hurda iima taallee maxaa adi ku soo toos-shay”
Odaygi baa isna sidan ugu halceliyay, wuxuuna yidhi:-
“Hadii balayaxow tima yar iyo teedku kugu meero
Wiil yahaw hadaad talaladood gabadh ku taamayso
Inaan aabbe tabantaabiyaa waa tu’ waajibehe
Gaafkaada inaan tiiriyoo tiirsho garabkaada
taakulo inaad iga heshaa waa tu aan rabaye
Aabe anigu waan kula tabciye qaado taladaada,
Taxaashkiyo hadaad tamashle guur teedka sare gaadho
Tumar kala taggane balayaxow iga tilmaan qaado
Kol hadday tallaabada sidii tugulo luudayso
Tartarrada haday muujisoy toban dhax qaadayso
tamar malaha oo waa mij-cas aad u taag darane
Aabow ha tooyanin hadaad talo i waydiisay”.
Markii ay goodaad iyo wiilkiisi balayax tixahaas is dhaafsadeen, ayay meesha timid arritii odayga laga sugayay, ka dib markii cabbaar la isla gorfeeyay, waxay isla garteen in uu balayax guursado.
Dabadeedna Odaygi baa yidhi: “Aabbe shaydaan wax la yeelye, waxa aad yeelaysaa, subaxa aroorta ah laga billaabo hawshii guurkaada kabaha u illo, salaadda horena kallah, reerki iyo hooyadaana sii mar, awrka rarayga ahna gado, oo waxna magaalada kaga soo muraadso, waxna jiscin (sahay) ka dhigo”.
Balayax inkasta oo aanu kaarka hawlyaridu sidaa kaga ba’ayn, ayaa isaga oo ay hurdadu u yara dhadhamayso xoogaa yara seexday habeenkaas. Ka dib subaxdaas intuu sibraar caano ka buuxsaday ayuu sii kallahay.
Subaxdaas wuxuu sii socdaba, markuu jiiddi reeruhu dagganaayeen cagaha soo saaray, ayuu yara nastay, wuxuuna billaabay shaqadh dhagaysi iyo bal inuu maqlo reeraha shanqadhooda, wuxuuna maqlay luuq gabdheed oo uusan dhawaanahan maqlin, dhawaaqaas uu dhagaysanayo waa gabadh ku geeraaraysa:
”Baranbarshaaleeyey, buul shareeray, ma maantaan bah kuu helay
Geedba geedaha u dheer laga garaacyey, galool mudhay mullaaxdiiyey”
Balayax wuxuu markiiba gartay in gabadhaasi walaashii tahay, taas oo baloolay cod dheer ahayd. Inyar ka dib wuxuu soo gaadhay reerkii, ka dib aqaladi ma uusan galine wuxuu ku leexday geed damal ah oo reerka korkiisa ah, geedkaasi waxaa hoos fadhiyay koox dumar ah, waxayna iyaga oo goob ah ku dareerimayeen kabad qabya ahayd oo markaa farta lagu hayay. Kabaddaas waxaa unugtay gabadh walaashii ah, waxayna ugu talagashay wiilka Balayax ah aqalkiisa mar dhaw la alkumi doono.
Dabadeed wuxuu balayax salaan gacmo taabasho ah iyo bariido gacaltooyo rag iyo dumar carruur iyo cirroole wixii reerka joogay. Habeenkii dambe goor caways dambe ah ayuu balayax hooyadii ku wargaliyay in uu aabbihii kula taliyay inuu soo guursado gabadhuu doono, hooyadiina arrintaas riyaaq ayay ku soo dhawaysay. Ka dib balayax iyo hooyadii waxay galeen falanqaynta reerkii lagu hagaagi lahaa iyo inanta la tuhmayaa mida ay tahay, Hayeeshee balayax gabadhi cudbi ahayd ee ay ballameen mooyaane niyadiisa kuma jirto gabadh kale oo la raadiyaa. Gabadhaasna wuu ka qarinayaa reerka, sababtoo ah, labada reer ayaa col ahaa mudo badan oo is layn jiray. Hadii gabadhaas iyo reerkooda laga maqlana wiilka waaba laga caydhin reerka.
Balayax hooyadii baa intay soo garab fadhiisatay, oo ay garabka gacanteeda ka saartay, ayay iyadoo yool baadhaysa, waxay hadal kaftan ah ku tidhi: “Hooyo, horta miyaadan hablaha la haasaawin, waligaa gabadhna afka ma u kala qaaday, oo ma la haasawday? Ta kale gabayada iyo maahmaahaha sidee baad isku tihiin? Illaanay ninka ammuumiyaha ah, haweenku uma soo joogsadaane, oo waa tii horay loo yidhi; ”Nimaan hadlin habartiina wax ma siiso”. Ka dibna balayax intuu dhoollacadeeyay ayuu yidhi;
”Hooyo, gabdhaha iminka jooga ma maahmaah iyo gabay inay u baahan yihiin baad umalaynaysaa, waa loo gacan haadiyaa oo way ku soo raacayaane”. Markaasay hooyadii intay afka gacanta saartay ayay tidhi; ”Waar ha ii keenin kuwa gacan haadiska ku imanaya, soo hadhawna gacan haadis kale ku dhaqaaqi mayso, hablo badan oo dhisan karaya oo dhaqan karaya ayaa dhulka buuxee, miyaanad arag, hablaha gashaantimaha ah, ee reerkan agteena ah.S