Cali gaar

 

Taariikhaha dadyawgi hadlay, kala soco boggan dhugasho, maalin kasta oo isniin ah insha Allah

Nin la odhan jiray cali gaar oo ahaa nin reer miyi ah oo xoola dhaqato ah, ayaa wuxuu si sharci darra ah u uureeyay gabadh, markii ay gabadhu isaga sheegtay inuu Uureeyay, ayaa la soo weeraray oo lagu xukumay geel shan halaad ah in uu bixiyo, markaasuu ka war wareegay, oo ka meeraystay, markii dambaa lagu qasbay, kolkaasuu yidhi:

-Iyadoo rag badan qaawiyaan qayb ka soo galaye
-Iyadaa qarshada meel dhigtaye qaan ha laga qaado

Markaasaa lagu yidhi war waxba sheegi mayside geela iska soo madh, sidi baa geeli lagaga qaaday, markii la kala baxay ka dib ayuu yidhi:

-Ka sinaysataa iyo samaan oola socotaaba
-Wallee naag ninkii seexiyow sababtay geelaadi